Munaasabad Xuska maalinta macalinka Somaliyed oo lagu qabtay iskuul jabuuti
Munaasabd lagu weeyneynayo maalinta macalinka Somaliyed 21 novemebr ayaa lagu qabtay meelo kaladuwan dalka somaliya. Meelaha sida weeyn loogu qabtay waxaa kamid ah iskuul ka hoose, dhexe iyo sare ee Jabuuti kaa oo ku yaalo degmada Wadajir Xaafada Generaal Daa’uud.
Munaasabadan ayaa waxaa soo qabanqaabiye ardayda iskuulka, macalimiinta iyo maamulka. Munaasabadan ayaa waxaa lagu soo bandhigay ahmiyada macalinka bulshada u leeyahay. Iyo ixtiraamka macalinka uu ka mudanyahay bulshada.
Qaar ka mid ah ardayda ayaa ku mujiye ahmiyada macalinka heeso, goboyo iyo qudbooyin kuwaa si weeyn usoo jiitay dadka ka soo qeeyb galay munaasabada. Macalimiinta ayaa waxaa ay ka hadleyn dadaalka xoogan oo ay sameynayan in ay soo saaraan bulsho dhankasta ka horumarsan
Maamulaha iskulka Jabuuta Macalin Calid Dayax ayaa soo xiray xaflada isga oo shegey in macalinka ayahay wershad soo saarta dad wax tar u leh bulshada sida macalimiinta, dahqaatiirta, saraakihs iyo madaxada beri.