Xuska Siyaarada Sheekhul Beledka Magaalada Hargeysa, Sheekh Madar Axmed Oo Hargeysa lagu qabtay.
Hargeysa ( )-Munaasibad balaadhan oo lagu xusaayey, Xuska Siyaarada Sheekhul Beledka magaalada Hargeysa, Sheekh Madar Axmed, ayaa si balaadhan loogu qabtay xarunta qudbiga Sheekha ee kuyaala xaafada loogu magac-daray ee Sheekh Madar ee magaalada Hargeysa. Xuskan oo si joogto ah sanad-walba loo xuso ayaa ah mid loogu duceeyo Sheekha iyo guud ahaan dalka iyo dadkaba.
Sheekh Madar Axmed, oo sida aynu xusnay ahaa Sheekhul Beledkii magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kalena waxa uu kamid ahaa dadkii aas-aaskii iyo bilowgii magaalada Hargeysa kaalinta ugu weyn ku lahaa, isagoo sidoo kalena Sheekha lagu xasuusto doorkii lama ilaawaanka ahaa iyo dadaalkii naf hurka ahaa ee uu dadkiisa ku baray culuumta kala du-duwan ee Diinta Islaamka.
Sheekh Madar Axmed ayaa dadaalkiisii Diiniga ahaa ee uu dadkiisa ugu adeegaayey waxa uu noqday mid ay sidii uu u bilaabay ay wali u wadaan awlaadii iyo tafiirtiisii ka farcantay, waxaana haatan xilkiisii haya oo hawlihii Diiniga ahaa dadkooda ugu adeega tafiirtiisii afraad ee ka farcantay Sheekha.
Xuska Siyaarada oo si weyn looga dareemay guud ahaan magaalada Hargeysa, oo ay kasoo qayb-galeen qaar kamida culumida waa-weyn JSL, ayaa waxa loogu duceeyey Sheekha xuskan loo sameeyey iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland.
Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, oo isagu ah Sheekhul beledka haatan haya xilka Sheekhul-belednimo ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu bulshada reer Somaliland ugu duceeyey oo uu ilaahay uga baryey, in ilaahay Abaaraha, Sixir bararka iyo dhamaan dhibaatooyinka bulsho ee ay ka cabanayaana si degdega uga dul-qaado, oo uu dhamaan wixii ka xun u hagaajiyo, quluubtooda mideeyo, amniga iyo nabadgalyadana u siyaadiyo. Aamiin Ilaahay haynoo aqbalo.