Home Afsomali Xuska Siyaaradda Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn (Aw Barkhadle

Xuska Siyaaradda Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn (Aw Barkhadle

Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ku Baraarujisay Wakhtiga ay Ku Beegan Tahay Xuska Siyaaradda Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn (Aw Barkhadle)

HmJimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha & Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab) ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey wakhtiga ay ku began tahay Xuska Munaasibada  Siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn, Aw-barkhadle oo ku began 17 bisha Jamaadul Awal  1442 oo waafaqsan habeenka curashada sannadka miilaadiga ah  ee 1 january 2021 .

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta guud ee Jimciyatul Axbaab ee Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

WAR-SAXAAFADEED

Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab),  oo ah jimciyad khayriya oo xarunteeda guud tahay caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxa ay Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ogaysiinaysaa isla-markaasina ku boorinay-saa in ay u diyaar-garoobaan xuska munaasibada  Siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn, Aw-barkhadle oo ku began habeenka Jimcaha ee 17 bisha Jamaadul Awal  1442 oo waafaqsan habeenka curashada sannadka miilaadiga ah  ee 1 january 2021 .

Siyaarada Sheekha ayaa waxaa lagu qaban-doonaa sidii awal-ba caadada ahayd Qudbiga Sheekha ee deegaanka Aw-Barkhadle oo 30-km dhinaca bari ka xiga caasimada Hargeysa, kaasi oo sanad walba si joogta ah loogu qabto xuskani sheekha oo loo yaqaano Jimce Barkhadle

Hadaba Jimciyatul Axbaab waxa ay kugu baraarujinaysaa isla markaana kugu boorinaysaa inaad kasoo qayb-gashid xuska Siyaarada Sheekh Yuusuf Al-Kowneyn (Aw-Barkhadle) oo ahaa macalinkii diinta ina soo-gaadhsii

Alla Mahadleh

Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi X.Cilmi Nuur

Gudoomiyaha  Jimciyatul Axbaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.