Home Afsomali Xuud oo la soo barogaraamiyey ayaa yiri Ciidanka Baledweyne la geeyay  amarkeyga ...

Xuud oo la soo barogaraamiyey ayaa yiri Ciidanka Baledweyne la geeyay  amarkeyga  ayaa lagu geeyey haddii uu Soomaalinimo u shaqeyn waayaan waa soo celineynaa.

Xuud oo la soo barogaraamiyey ayaa yiri Ciidanka Baledweyne la geeyay  amarkeyga  ayaa lagu geeyey haddii uu Soomaalinimo u shaqeyn waayaan waa soo celineynaa.

Qeybtii 27aad ee ciidanka XDS ee halkaas ka howgalayay maxay ahaayeen oo keenay in ciidamo gaar ah loo diro?

Sidoo kale Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wadahadalada ay dowladda federaalka Soomaaliya kula jiraan ay meel fiican haatan marayaan oo aysan marnaba ka tanaasulin hadafkoodii ahaa raadinta xuquuqda reer Hiiraan.

“Waxaan nimid Xamar waxaana u nimid dowladda heshiisyo ayaana noo socdo, heshiiskaas wuxuu noqon doonaa mid labada dhinacba laga istaago oo noqda iftiin soo baxa dadka reer Hiiraan.” Ayuu yiri.

Dhanka kale Janaalka ayaa sidoo kale beeniyay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in la xiray isaga iyo wefdigii uu hoggaaminayay.

“Waxaa kale oo arrinta aan meesha u tagnay la garab dhigay in nala xiray, cidna nama xirin waana ayaan-darro dadka warkaas wada, si fiican ayaa noola soo dhaweeyay, waxaana naloo dhigay gogol qurxan oo Soomaaliyeed, anaga dadaalkeena wuxuu noqon doonaa in aan ka dadaalno inuusan qaranka dumin oo wixii duminaayana aan dhahno ka jooga.” Ayuu yiri Janaaral Xuud,

Janaraalka oo qodobo badan uga hadlay shirkiisa jaraa’id ayaa sheegay in madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Yussuf Dabageed uu aflagaadeeyay uuna soo dhaweysanayo Cali Guudlaawe .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.