YAA MAS’UUL KA AH XASUUQA LAGU HAYO MUSLIMIINTA AXMADIYA EE PAKISTAN?
Bulshada Axmadiya ayaa la kulma dhibaatooyin joogto ah Bishii Agoosto 12, 2022, Naseer Axmed ayaa socod goor subax ah ku soo maray Rabwah, oo ah magaalo ku taal Bartamaha Punjab, Pakistan. Waxay ahayd maa lin Jimce ah, markaas ayuu aaday qabuuro ay ku aasanyihiin dad ay eh el yihiin si uu qur’aan ugu soo aqriyo.
Markii uu ka soo laabtay xabaalaha, Naseer waxa uu dhowr daqiiqo ku hakaday qof ay is ga ranayeen. Naseer oo sheekada ku mashquulsan ayaa waxaa u yimid nin gar leh oo xiran kamiis cad.
Nin kii ayaa hadalka ka dhex galay oo ku yiri “Ma Axmadiye baad tahay?” Isla markiiba Naseer madaxa ayuu ruxay wuxuun raaciyay “Haa waan ahay” ninkii mindi ayuu ku weeraray markaa kadib.Intii u weerarku socday ninku wuu qaylinayay .
Xoogaa kadib waxaa isla goobta lagu qabtay ninkii weerarka geystay oo isna qirtay dambigiisa. Hadda wax aa ku socota maxkamad.
‘Ma sheegi karno cidda aan nahay’
Dowladda ayaa magaca magaalada Rabwah u bedde shay Chenab Nagar. Magaaladan waxaa lagu tiriyaa inay tahay xarunta Jamaacada-Axmadiya.
Inta badan dadka halkan ku nool waa Axmadiyiinta. Wax ka bedel lagu smaeeyay dastuurka ayaa lagu shee gay in ay yihiin dad aan muslim ahayn.
Ilaa 4 milyan oo muslimiin ah ayaa ku nool Pakistan. 1889kii, bulshada Axmadiya waxaa laga aasaasay tuulo la yiraahdo Qaadaan. Tuuladan hadda waxay ku taal Punjab, dhanka Hindiya..
Sababtoo ah waxaa jira farqiga u dhexeeya dhanka caqiidada Muslimiinta Axmadiya, Muslimiinta Sunniga ah iyo Shiicada.
Sannadkii 1974kii, dawladdii Zulfikar Ali Bhutto ee Pakistan waxay soo bandhigtay isbeddel dastuuri ah oo ay ku sheegtay Axmadiya inay yihiin dad aan muslim ah ayn. 10 sano ka dib, intii lagu jiray xukunkii Zia-ul-Haq, waxaa la hirgeliyay amar sharci ahaa oo sii xaddidaya bulshada Axmadiya.
Gabadhan waxaan u bixinay magaca Rabiya oo aan ahay keeda runta ah