Home Afsomali Yaasmii saciid oo dal shisheeye mooto ku kaxaysata

Yaasmii saciid oo dal shisheeye mooto ku kaxaysata

Marka aad tagto magaalo walba oo ka mid ah dalka Hindiya, waxa ugu badan ama ugu horeeya ee ay indhahaagu qabtaan ayaa waxaa ay tahay gaadiidka mootada loo yaqaano, taasoo si aad ah looga isticmaalo dalkaasi.

Dalka Hindiya oo isticmaalka mootada aysan u kala soocneyn ragga iyo dumarka ayaa marka loo eego dhaqanka soomaalida, waxaa adag la arko dumar Soomaali ah oo saaran mootada, iskaba daa inay kaxeeyaane.

Yaasmiin Saciid Xuseen oo ah gabar Soomaaliyeed oo wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya ayaa waxay ka mid tahay dadka gacantooda ku kaxeysta mootada, iyadoo sheegtay inay ku aaddo jaamacadda, haddii Soomaaliya ay joogi laheydna taasi aysan u suurtagasheen.

Dhaqan ahaan gabdhaha soomaalida inta badan waa ay ku adag tahay inay raacaan ama ay ka xeeyaan mootada, balse Yasmiin oo ku nool dal shisheeye ayaa waxaa ay sheegtay in duruufta ay ku kaliftay inay gaadiid ahaan u adeegsato mootada, madaama aysan heysan gaadiid kale.

”Marka aad baraneyso kaxeynta mootada waa mid aad u adag, oo waa ay culeys badan tahay, xilliyadii hore kharash badan ayaa iiga bixi jiray adeegsida bajaajta, durufta ayaana igu kaliftay sababtoo ah jaamacadda way iga fog tahay, wax kale oo aan ku aadana ma haysto” waxaa sidaasi BBC-da u sheegtay Yasmiin

Yaasmiin oo meel konton kilomitir ka baxsan magaalada Hyderabad ee waddanka Hindiya wax ka barta ayaa dhaqan walba oo bulshada Soomaalida ay aaminsan yihiin waxaa ay ka door bidday sidii ay ku dabooli laheyd baahida ay u qabto inay hesho gaadiid ay ku aaddo jaamacadda.

Iyadoo sidaasi ay tahayna Yaasmiin waxaa ay sheegtay in caqabado ay ka mid yihiin dhaga hadal ay kala kulanto qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ee Hyderabad, oo aan u baran inay arkaan dumarka kaxeynaya mootada.

Mootooyinka ayaa aad ugu badan waddanka Hindiya
Mootooyinka ayaa aad ugu badan waddanka Hindiya

”Dad badan ayaa igu yiri gabar ayaa tahay oo mootada kuuma fiicna, balse waan iska wataa oo wax dhib ah kala ma kulmin” ayey tiri.

Yasmiin waxaa kale oo ay sheegtay in haddii ay joogi laheyd gudaha Soomaaliya ay ku adkaan laheyd inay mootada ku kaxeyso, haatanse ay dal shisheeye joogto, duruuftana ay ku kalliftay.

Magaalada Hyderabad ee koonfurta Hindiya oo ah magaalo sidoo kale laga isticmaalo bajaajta, ayaa waxaa adag inaad aragto gaadiidka dadweynaha sida basaska, oo haddii aad aragtana ay aad ugu yar yihiin. Waxaa sidoo kale nadir ah inaad aragto qoys aanan heysan mootada, madaama intooda badan lagu farsameeyo gudaha dalka Hindiya, dadkuna ay u adeegsadaan howl maalmeedkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.