Home Afsomali Yey ka Amar qaataan Ciidamada Caawa Weeraray Madaxtooyada Maamulka Galmudug State oo...

Yey ka Amar qaataan Ciidamada Caawa Weeraray Madaxtooyada Maamulka Galmudug State oo Hada Dagaal ka socdo

Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inuu dagaal culus ka socdo madaxtooyada.

Ciidamo ka amar qaato madaxweyne ku xigeenka Galmudg iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa weeraray madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan wasiiro iyo xildhibaano taageersan Madaxweyne Xaaf.

Sida wararka sheegayaan ciidamadii soo weeraray madaxtooyada ayaa dib loo celiyey markii uu qarxay dagaal culus.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka darandooriga u dhaco ayaa qalqal ku keenay Magaalada Cadaado.

Dagaalka ayaa hadda dib uga durqay madaxtooyada waxaana muuqato in laga guuleystay Ciidamadii weerarka soo qaaday.

 Wasiirka Maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad ayaa lasoo sheegayaa inuu ku jiro madaxtooyada dhexdeeda, mar aan la xiriirnayna wuxuu sheegay inay ciidamada madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay weerarka soo qaadeen.

Dagaalka ayaa weli socdo mana istaagin waxaana ciidamadii weerarka soo qaaday loo diiday inay galaan madaxtooyada.

Khilaafka madaxda Galmudug ayaa gaaray meesha ugu sareyso, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaalka soo xoogeysto maadaama ay jiraan gurmad labada dhinac soo gaarayo.

Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa dhawr asbuuc loo diidanaa inay ku shaqeeyan madaxtooyada iyagoo saldhig ka dhigtay guriga ku yaalo Cadaado.

Lasoco Warkaan Wixii kusoo kordha:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.