Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay isi soo dhiibeyn tiradii ugu badneyd ee khawaarijta ka tirsan oo gaaraya 107 ay isi soo dhiibeyn.
Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha ahna Agaasimaha xarunta Tubsan Cabdillaahi Maxamed Nuur oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa shaaciyay tirada isaga oo ugu baaqay maleeshiyaadka la marin habaabiyay ee haraadiga ku ah kooxda in ay isi soo dhiibaan kana faa’iidaystaan.
War ka soo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay tira-koob lagu sameeyay labadii bilood ee u danbeysay xubnaha Alshabaab iska soo dhiibay isla markaana hada ku jira gacanta Dowlada.
Agaasimaha xarunta Tubsan ee cilmi-baarista iyo ka hortagga xagjirnimada Mr.C/laahi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay diiwaan geliyeen 107 ruux oo ka mida ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab kuwaasoo si iskood ah isu soo dhiibay.
“107 ka mida maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Dowlada laba bilood gudahood waxayna isugu jiraan caruur la hubeeyay ,haween,dhalinyaro iyo waliba hor-joogayaal”ayuu yiri C/laahi Maxamed Nuur oo Dowladii hore ka soo noqday Wasiirka Amniga.
Agaasimaha wuxuu tilmaamay in maleeshiyaadkaan ay iska soo kala dhiibeen maamulada Jubalaand,Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur-galbeed.
https://youtu.be/MVSiWjxN0ME