Home Afsomali 10 Sabab oo aan Lagu Dooran doonin Xasan Kheyre

10 Sabab oo aan Lagu Dooran doonin Xasan Kheyre

10 Sabab oo aan Lagu Dooran doonin Xasan Kheyre! Raali haada kooxda kheyre hore ayaa lo soo arkay Odeyga Nabad galyo!!!

1. 20 sharci oo xukuumadiisa u gudbisay baarlamaanka, 90% waa qandaraasyo iyo wax lacago la xiriira, ee ma aha dhismo dowladnimo iyo hey’adaha.

2. Waa ra’isul wasaarihii ugu horeeyey ee muwaadin Soomaaliyeed u dhiibay Itoobiya, xukuumadiisa ayaa ONLF ku dartay liiska argigixisada, weli waa uu ku adkeysanayaa!

3. Waxaa uu weeraray hoggaamiyaha Wadjir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, marar kale waa uu sameyn karaa!

4. Waxaa uu sharci-darro ku ceyriyey guddoomiyaha golaha shacabka Jawaari, wasiirkiisa ayuu golaha madax uga dhigay, yacnii sharci-dejin iyo hey’ado kala madaxbannaan lama tuso!

5. Dhammaan maamul goboleedyadii la boobay isaga ayaa hormuud ka ahaa, Koonfur galbeed iyo Galmudug wasiiradiisa ayuu madax uga dhigay, Hirshabellana cuna-qabateyn ayuuba saaray, Jubbaland-na Itoobiya ayuu dul dhigay!

6. Xukumadiisa ayey aheyd midda u tagtay beesha caalamka ee diiday in Somaliland ay toos u hesho gargaarka iyo deeqaha ay bixiyaan, ilaa hadda lacag ayaa ka xayiran Hargeisa.

7. Saxaafadda iyo xorriyadda hadalka waxaa uu u arkayey cadaw, isaga oo ka shaqeeyey in la xiro weriyeyaal badan.

8. Inta uu joogay waxaa uu Soomaaliya hoos geeyey Qatar, haddana weli iyagii ayaa wato

9. Waxaa uu ku guul-dareystay siyaasadda arrimaha dibadda isaga oo Soomaaliya ku diray dariska iyo dhammaan hey’adaha waaweyn.

10. Covid 19, oo xaalad banii’aadnimo ah isaga oo mashruuc ayuu agtiisa ka ahaa, waxaa uuna hoos geeyey xafiiskiisa, isaga oo wasiirrada caafimaadka bahdilay, shaqaalaheedana welwel iyo musuq ku furay!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.