Kulan barlaaran oo ay muqdisho ku yeesheen
kulanka oo ahaa mid isugu jirey taageero soo dhaweyn iyo garab istaag loo muujinayey madaxweyne farmaajo iyo raiisal wasaare rooble ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho
waxaana soo qabanqaabiyey Golaha dhaqanka ee Beesha sacad sacid oo ka tirsan beel weynta habar digir waxayna ku cadeeyeen mowqiifkooda ku aadan marxakada guud ee dalku marayo oo ay ugu horeeyaan amniga iyo arimaha doorshooyinka.
Waxaana kasoo qeybgalay gudoomiyaha dhaqanka beesha dr cabduqaadir xusen geedi la taliyaha duqa Muqdisho ee dhanka Siyaasada Garaad cabdiqani nuur Xasan suldaa Cabdinaasir jaamc seed xildhibaano heer fadaraal iyo maamul goboleyd culumaaudiin nabdoono siyaasiyiin saraakiil ciidan soo halgamayaal dhalinyaro haween iyo waxgarad kale oo munaasiada lagu casuumay
Shirku intuu socday ayaa waxaa dirada lu saaraysidii looga shaqeyn lahaa madaxweynaha iyo raiisal waaaraha
Dhamaan masuuliyiintii madasha ka hadashay oo ay ugu horeeyeen Boqoro Iimaan xasan jiirow Nabdoon xusen kaarshe
Nabdoon Maxamed Cali raajicis
Nabdoon Cabdi Aadan
Maama Cibaado dhooley maalin
Xildhibaan hore hadanna musharax ah Cabduqaadir Cali Faarax
Xildhibaan Cabdikariin Khaliif
Xildhibaan Ubax tahliil warsame
Xersi yusuf bare maayarkii hore ee gaakcyo
ayaa ku dheeraaday soona hadal qaaday muhiimada ay leedahay midnimada beesha waxayna cadeeyeen mowqiifkooda kaga aadan xaalada siyaasadeed ee dalk
la taliyaha duqa Muqdisho ee dhanka Siyaasada Garaad cabdiqani nuur Xasan ayaa sheegay in hadii aan lala shaqeyn raiisal wasaare Maxamed Xusen Rooble aan lala shaqeyn doonin raiisal wasaare danbe oo madaxweyne soo magacaabo wuxuuna siyaasiyiinta qaar ku dhaliilay la shaqeyn la.aanta raiisal wasaaraha cusub oo uu sheegay in uu durba qabtay howloo muhiim u ah dadka iyo dalka ba
Warmutiyeed dhowr qodob ka kooban ayaa shirka gunaanadkiisa laga soo saaray waxaana warbaahinta u aqriyey Cabdi fataax daahir
Warmutiyeed dhowr qodob ka kooban ayaa shirka gunaanadkiisa laga soo saaray waxaana warbaahinta u aqriyey Cabdi fataax daahir
[4:04 PM, 1/8/2021] Garaad Cabdiqani: WAR-MURTIYEED -SHIRWEYNAHA GOLAHA BEESHA SACAD, MOGADISHU, SOMALIYA 8da Jan,2021
• Shir ay yeesheen golaha Dhaqanka beesha SACAD oo ka dhacay magaalada Mogadishu 6dii ilaa 7dii Jan,2021 ayaa looga tashaday xaalada uu dalku kujiro ee xiliga isku guurka doorashooyinka Qaranka iyo Shirweynaha guud ee beesha Sacad 8da Jan,2021 Mogadishu, Somaliya
• Beeshu waxay Ayidaysaa QODOBADA shirarkii madaxda Qaranka iyo madaxda Dowlad goboleedyadda ee lagu qabtay Dhuusamareen 1-2&3 iyo heshiiskii siyaasadeed ee 17kii Sept,2020 ka dhacay magaalada Mogadishu.
• Sidoo kale beeshu waxay soo dhaweynaysaa dadaalka iyo doorka xal u helida qilaafka doorashada ee uu wado madaxweynaha dowlad goboleedka GALMUDUG.
1. Beesha Sacad waxay ka xuntahay War-murtiyeedka shir kii ka dhacay Hotel Afrik 5tii Janaayo,2021, kaasoo u muuqday mid iska hor-keenikara midnimada beelaha Hawiye, wadajirka iyo dowladnimada ummada Soomaaliyeed.
2. Beeshu waxay ku talinaysaa in la ilaaliyo nabadgalyadda shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan caasimada Mogadishu ee xarunta jamhuuriyadda federaalka Somaliya.
3. Beeshu waxay ku kalsoontahay kaalinta siyaasadeed iyo dadaalada ay ka wadaan gobolka Banaadir, madaxda qaranka iyo madaxda gobolka Banaadir, waxayna beeshu diyaar u tahay sidii loo baadigoobi lahaa Matalaada gobolka Banaadir.
4. Beeshu waxay soo dhaweynaysaa go”aamadii kasoo baxay shirkii 4ta Jan,2021 ee golaha hogaaminta gudoonka Beelaha Mudulood ay ku qaadaceen sheegashada shir loo qabanayo Beelaha Hawiye.
5. Beeshu waxay ka digaysaa inaan lagu xadgubdin awood qaybsiga saamiga siyaasada ee loo dajiyay beelaha Soomaaliyeed kaasoo ah mid meerto ah, Iyadoo soo jeedinaysa in lagu ixtiraamo hadba masuulkii ku fadhiya kursiga xukuumada jamhuuriyadda federaalka Somaliya.
6. Beesha Sacad waxay gogol u fidisay Beelweynta HABAR-GIDIR si ay oga tashadaan aayahooda.
7. Beeshu waxay ka codsanaysaa madaxda Qaranka, madaxda dowlad goboleedyada, guddiyada doorashada, musharixiinta inay doorashadu ku dhacdo si nabada oo xor iyo xalaala.
8. Ugu dambayn beeshu waxay ugu baaqaysaa Ummadda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan midnimada, wadajirka, nabadgalyada, dowladnimada, dastuurka iyo hanaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17kii Sept,2020 Mogadishu, Somaliya