Home Afsomali 360 Maxaabuus oo laga siideynayo Xabsiyada Somaliland iyo Sababata 

360 Maxaabuus oo laga siideynayo Xabsiyada Somaliland iyo Sababata 

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee ku xiran xabsiyada kuyaalla degaannada Somaliland.

Wareegtada cafiska ah ee kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland ayaa u dhignayd Sidan:-

Markaan Arkay:  Somaliland, Qodobka 90aad, Farqadiisa 5aad;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta e ku taariikhaysan 12/04/2022;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud  ee 4 ku taariikhaysan 12/04/2022;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidda Fidriga awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xiran, oo tiradoodu dhan tahay 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka, ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud , iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.