Dowladda Soomaaliya ayaa qabatay lacag fara badan ee taasi oo la sheegay in lagu qabtay garooonka aadan cadde ee magaalada Muqdisho waxayna sheegaya wararka in lacagta la haayo ay wadeen rag lagu tuhun sanyahay in ay la shaqeeyaan wasiirka wasaarada Gadiidka Duulista hawadda Mohamed Abdullahi Oomaar Sido kale wararka aan haleyno waxay sheegayaan in kusimaha Maareeyaha Hay’adda duulista Hawada oo ku lug leeyahay lacagtani.
Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho waxa lagu qabtay rag boorsooyin ku waday lacag waxayna wararka sheegayaan in raga ay xiran yihiin wali lama oga cida ay hoos tagi doonta burcadniman lagu haayo dalka.
Boorsooyinka ayaa aad loogu soo buuxiyey lacag dollar ah ayagoo ku sideen 2 boorso aan calaamadeysnayn hawl wadeennada garoonka ayaa sida caadada ahaydba waxa ay marsiiyeen baaritaan.
Shaqaalaha garoonka oo ka shakiyay boorsooyinka ayaa waxa ay xiriir la sameeyeen qeybta la dagaallanka argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Waxaa la ogaaday in boorsooyinkan laga soo buuxiyay lacag Doollar ah, waxa ayna haatan ku jiraan gacanta dowladda si baaritaan dhameystiran loogu sameeyo waxayna warar hoose ay sheegayan lacagtaas in ay lahaayeen Wasiirka Gadiidka Duulista Hawadda Wasiiir Mohamed Abdulahi Salaad Oomaae iyo Kusimaha Maareeyaha Hayadda Duulista Hawada Axmed Macalin iyadoo lacagtaas laga war heyn meesha ay ka keeneyn Masuuliyiintas.
Lacagta la qabtay waxa ay dhantahay 4 milyan (Afar milyan Oo Doollarka Mareykanka ah) inkastoo Hay’adaha Amniga waxa ay haatan ku hawlanyihiin baaritaan ku saabsan halka ay lacagta ka timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa in lacag intan la’eg lasoo geliyo boorsooyin.
Laamaha Amniga Gudaha garoonka waxay caddeyeen in aysan jirin wax xadgudub ah oo kadhacay garoonka intii lagu guda jiray baaritaanka iyo lasoo wareegidda boorsooyinka lacagaha lagu siday.
Waxaa jira xiriir la sameenay dad ka tirsan wasaarada Gadiidka iyo Hay’adda Duulista Hawadda Waxayna inoo sheegeen in lacagahaas la qabtay ay jiraan balse aysan ogeyn cida iska leh inkastoo la sheegayo in Kusimaha Maareeyaha iyo Wasiirkaba Shaki laga qabo in lacagahaas ku lug leeyihiin.
Sikastaba ha ahaate Waxaa helnay war sheegaya in Wasiirka Iyo Kusimaha Hay’adda ay Safar shaqo u aadeyn Dalka Sacuudiga Lama oga sababha ay u baxeyn waxayna dhacdadaan la ogaadan maalmo ka dib inakstoo dowlada ay ku guuleesatay in ay qabato lacagta hadane wali wax war ah kama soo saarin Cida iska leh masuuliyada Hantidaan badan meesha ay ka timid waxana laga cabsi qabaa in xilalkooda ku waayaan wasiir iyo Kusimaha Maareeyaha Hay’adda