Home Afsomali 4 qof oo siyaabo kala duwan dilal qorsheysan oo cidloogu qaban loogu...

4 qof oo siyaabo kala duwan dilal qorsheysan oo cidloogu qaban loogu geystay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Caawa siyaabo kala Duwan dilal uga geestay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Dilka Koobaad ayaa ka dhacay degmada yaaqshiid gaar ahaan Xaafadda Suuq Bacaad waxaana halkaasi lagu dilay Labo wiil oo dhalinyaro ah, dilka ayaa waxaa fuliyay Labo qof oo Bastoolado ku hubeysan.

Dilka labaad ayaa ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir waxaana loo geestay Darawal Gaari BL ah waday, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dadkii ka dambeeyay dilkaasi.

Dadka qaar ayaa sheegay inuu fuliyay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda goobtana uu ka baxsaday, Magaalada

Sidoo kale Waxaa cawa fiidKii lagu dilay iskooyska bakaaraha maay maay iyo mahad xiirey waxan goobta isaga baxsaday dableydii falka dilka ah geysatay

Muqdisho ayaa marti gelineysa dilal kala duwan waxaana sii kordhaya Walaaca ay qabaan shacabka magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.