Home Afsomali 4 Ruux Oo Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday...

4 Ruux Oo Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday G/Jubbada Hoose

Diyaaro dagaal oo loo maleynayo in ay yihiin kuwa dowladda Kenya ayaa xalay duqeyn ka geystay deegaanada Qabri ShAriif iyo  Goof oo 65KM  Galbeed kaga beegan magaalladda Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Nabadoon Magaciisa ku soo koobay Ibaarhim oo ka mid ah Waxgaradk deegaanka ay duqeynta ka dhacday ayaa sheegay in dadka la duqeyay ay ahaayeen Dad xoolo dhaqato ah basle Goobta aysan aheyn goob ay deganaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda.

“Duqeynta waxay saameysay  labo Qoys  4-ruux ayaa geeriyootay 6-kalena wey dhaacmeen  kuwa ayaa  hal qoys ah qoyska kale ayaa waxaa ka dhamaaday Xoolo farabadan ayuu yiri Nabadoon .

Wax uu sidoo kle sheegay Nabadoonka in y duqeynta ku socotay int u dhaxeysay 7:30 ilaa 9:00 Fiidnimo islamarkaana deegaank la duqeeyay meel u dhow ay degan yihiin Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.