Buuraha calmadow Deegaanka milxo ee Gobolka sanaag Wiil dhalinyaro ayaa ku geeriyooday god dahab laga qodo oo ku soo dumay Waxaa hadda deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag lagu soo gabagabeeyay dedaallo lagu baadigoobayay wiilka nolo iyo geeri balse 35 saacadood ka dib ayaa la xaqiijiyey in meydka Maxamed Siciid,la helay kaasoo sadqii dhexe ee xalay ku dumay god laga qoto dahabka, Xili uu halkaasi ka qodonayey dahab isaga iyo kooxo kale oo ka shaqeysta qodista iyo ka ganacsiga dahabka Deegaanka Milxo ee buuraleyda Calmadow ee gobola Sanaag
Dadka deegaanka oo adeegsanaya qalabka ay heli karaan ayaa saacado badan ku qaatay qodida godkaas dumay,
Sida warar aan helnay ay sheegayaan ilaa hadda ma jiro gurmad dhanka puntland iyo Somaliland ah oo gaaray halkaas.
Waxaa lagu guul dareysta oo fashil ku soo dhamaaday Dedaallo lagu samata bixin rabay wiilka Godka ku jira. iyadoo aysan jirin wax gurmad dowladeed ah.
buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag, oo qiyaastii 180 KM dhinaca Galbeed kaga beegan magaaladda Boosaaso, ayaa soo gabagabeeyey dadaal ay ku doonayaan inay kusoo badbaadiyaan wiil dhallinyaro ah oo xalay saqdii dhexe uu ku dumay god ay dahab ka qodayeen.
Godkan dumay ayaa dhererkiisa gunta hoose lagu qiyaasay ilaa iyo 40 mitir,
rag gaaraya 600 oo nin ay ku howlan yihiin qodiska godka. Howsha waxaa loo adeegsanayaa gaadiid wiishash ah.
dadka deegaanka aysan u kala harin howsha badbaadada,
Shilalka ka dhaca godadka ay ku badan yihiin deegaanka. Wuxuu xaqiijiyay dad ku dhow toban oo Soomaali iyo Oromo isugu jira oo halkaas ka shaqeeya inay horay ugu dinteen godad ku dumay.
Waxaa jira dhacdooyin hore oo dad godadka ku dahabka ku dhacay ay suurtageli waysay in la soo badbaadiyo, taas oo sababtay in markii dambe lagu aasay, maaddaama aysan deegaannadaas lahayn adeegyada iyo agabka sahla gurmadka degdegga ah.
Sidan oo kale dhowr jeer ayaa dad kala duwan iyaga oo nool godad ugu dumeen buuraha dahabka ee Calmadow ka dibna lagu duugey, maadaama aysan deegaanka ka jirin tasiilaad lagu badbaadin karo.