Home Afsomali Siyaasiyoow,intaad Gaal qanci is leedahay, Aduunyo Hoog,Aakhirana Naarta Haawiyo ha isku darsan..=Nasashada

Siyaasiyoow,intaad Gaal qanci is leedahay, Aduunyo Hoog,Aakhirana Naarta Haawiyo ha isku darsan..=Nasashada

1-Siyaasi Reer Hargesa ah ayaa yiri: Dee, Annagu waxaan nahay Dal Demoqaraadi ah, Xuriyadda Diimahana waanu ogolnahay, Kaniisad Cusub ayaana Hargesa Laga furay Usbuucaan. Siyaasi Reer Mogadishu ah ayaa ku yiri: Waa la soo Daahdeen, Kanisadda Hargesa laga furay.

Waa “Catholic Church” waxa eyna hoos tagtaa tan weyn ee Xamar ku taal.Siyaasigii Reer Hargesa ayaa yiri: Adeeroow maxaa Xamar na daba dhigay, maad Buudaha Hindida Macbad u dhisataan.

Bintoow oo Dooda maqleeysay ayaa tiri: Aloobeey, Siyaasadii meeshaas miyeey Maroo heeyasaa. ( F.S: 1& 2aad)

(Somalidu waxay ku maahmaahdaa,”isma hurtooy inis Haleeydooy”Siyaasiyoow, intaad Gaal qanci is leedahay, Aduunyo Hoog, Aakhirana Naarta Haawiyo ha isku darsan, waa iga Tallo).

  1. Somalidu iyada oo ku hal qabsanee, Xubinta Taranka Ragga waxaa ey ku maahmaahaan, ” G*S, Laf maahan, ee wax ka jilcanoow helay”.

(Muxaafid, Dowlad ma ahan, laakin Mucaarad Damiin ah ayuu helay…Diiq Baalal uu ku Duulo male, Laakin Gor Gor aan Xoogiisa ogeyn ayuu helay. Somalida ayaa ku maahmaahdo: “Laba sheeydaan kii shar badan ayaa Goobta u haro”). ( F.S:3aad)

  1. Haweeneey ey ka saqiireen 8 Wiil ayaa waxaa ka xanuunsaday Wiilkii 9aad. Deriskii ayaa u tagay iyaga oo 8dii horena Allaah ha kaa samir siinayo leh, kan 9aad ee hadda ka xanuunsanna ugu duceeynayo. waxa ey ku tiri: Derisoow, khayr Alla ha idin siiyo, Laakin, kanna laftiisa Alla ha iga samir siiyo, kan waxaa iiga muuqdo Calaamado aan ku arki jiray 8dii Saqiir ee ka horeysay.

(Nin Muwaadin ahaa oo Dowladnimada Somaliyeed aad u jeclaa, oo 8 Doowladood oo hore ey Cudurka Qabiilka uga saqiireen oo Dowladii 9aad ka xanuunsatay, ayaa yiri: Dowladaan, waxaa iiga muuqdo Cudurkii qabiilka ee 8dii hore ey iiga Saqiirtay).

  1. Haweeney ayaa Seygeedii ku tiri: Xabiibii intii aanan isguursan, waxaad i geeyn jirtay Baarka “Lido Sea food”, kadibna “Mogadishu Mall” ayaad Hadiyad iiga soo gadi jirtay. Hadda maxaa ku helay Meelna ima geeyside?.

    Ninkii oo is xanaajinayo ayaa ku yiri: Naayaa iga aamus, weli ma aragtay Musharax markuu doorashadii ku guuleystay kadib weli Ololihii Doorashada ku jiro.
    ( Ar Shukaansiga Faataalaha iyo Luqadda Siyaasiga ee Shalay iyo Maantu in eyna isku mid aheyn ma kala baratiin miyaa ?)

5.Gabar ayaa aragtay Saaxiibkeedii hore Cabdi Qurux oo la socdo, 3 Gabdhood oo Xaafadda degan. waxa ey rabtay in ey isku dirto. Gabdhihii ayey ku tiri: kanu wax uu isku haayo male, Anigaa soo tijaabiyay, maba dareemeysid Ragganimadiisa. Saddaxii Gabdhood oo la yaaban in Cabdi Qurux uu qancin waayay, ayaa mid ka mid ahi si hoose u tiri: taas Saddaxdeena ha noo sheegin.

Gabadhii Cabdi Qurux Raganimadiisa dareemi weeysay, ma bakhaaraa? . war Cabdi Qurux xaafada ha laga qabto.

(Qofkii Ethiopia Cadawnimadeeda Fahmi waayay, ma ……Ar, Abey Axmed Dalka ha laga qabto, Siyaasiyoow, Haddii Hunguri Aduunyo oo xaaraana ama Hal Muufo oo aad Afka galiso kuu geeysay, Sariir Muufaa oo xalaala Alla ka tuug).( F.S: 4 & 5aad)

  1. Gabdhii da’doodu ka weeyn tahay 28 jir ee weli u dabaal dagayo” valentine’s day” Maalinta Jaceylka Aduunka.

Da’dii Jaceylka Gabdhaha waa dhaaftay ee haddan weli la guursan ha iska niyeeysato hana isaga Dabaal dagto “Mother’s day” Maalinta Hooyada Aduunka.

(Inta aad yartahay Guurso, Haddii kale, Raadiso Oday, markeey Ragga iyo Dumarku ey isku ekaadan. waa iga Talo).( F.S: 6 & 7aad).

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.