Home Afsomali 5 Saac Kadib Ayuu Tabay Ayadoo Qarka U Saaran Geeri Qiimaha...

5 Saac Kadib Ayuu Tabay Ayadoo Qarka U Saaran Geeri Qiimaha ay Leedahay salaantu

Samira waxay muddo dheer ka shaqeyneysay warshad hilibka qeybisa. Maalin markaas shaqadu dhammaatay ayey istiri soo eeg qolka lagu qaboojiyo hilibka (Freezer) si ay kormeer ugu sameyso laakiin nasiib darro Albaabka qolka ayaa kusoo xirmay shaqaale caawiya oo ka furaya Albaabkana ma joogaan oo waa la kala rawaxay.

Inkastoo Samira ay qeylisay oo intii awooddeeda ah ay garaacday Albaabka qaboojiyaha haddana qeyladeeda iyo oohinteeda cidna ma maqli karin, Shaqaalaha badankood waa baxeen codkeedana lagama maqli karo qolka qaboojiyaha bannaankiisa.

Shan saacadood kaddib iyadoo markaan Samira  qarka u saaran tahay geeri ayaa Waardiyaha Warshadda furay Albaabka qaboojiyaha oo badbaadiyey nolosha Samira. Samira ayaa markaas kaddib weydiisay Waardiyaha sida ay ugu soo dhacday inuu furo Albaabka maaddaama aysan shaqadiisa ahayn.

Wuxuu yiri-

“Waxaan ka shaqeynayey Warshaddan 35 sano, boqollaal shaqaale ah ayaa maalin kasta soo gala kana baxa laakiin adigu waxaad ka mid tahay dadka tirada yare ee i salaama subaxdii marka ay shaqada imaanayaan iguna yiraahda “Good by” marka ay ka baxayaan shaqada waxaa Iyana jira kuwo kale oo iila dhaqma sidii inaan ahay qof aan la arki karin “Invisible”-

Maanta, Sidii caadada ahayd waxaad igu salaantay salaan dabacsan oo ah “Hello” markii aad soo galeysay shaqada anna aan Albaabka fadhiyey, Saacadihii shaqada markii ay dhammaadeen oo shaqaalihii dhan baxeen ayaan aad u tabay salaantaadii, waan maqli waayey qof igu dhaha “Bye, See you tomorrow” Marka taas ayaa keentay inaan Warshadda kaasoo dhex raadiyo markii aan waayey macsalaameyntaada”.

Salaanta badi, xaqana dhowr , kibirkana jooji si laguu tabo haddii kale barafka ayaad ku dhimaneysaa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.