دلٍل الحج ًالعوسة باللّغت الصٌهالٍــت العوسةُ الى العوسة
مفازةٌ لوابٍنيواًالحجُّ الوَبْسًُزُ لٍس لو جزاءٌ االالجنتُ
1421-1-3 افكٌالو 2002-2-1
Waxa qoray sh.Ibraahiim maxamuud
jiisoowTell: 615591213.
2
2
تألٍف الشٍخ إبساىٍن هحوٌد
جٍْسٌَالصٌهالً الوقدشً الدٌَّْنٍِْلًِِّ
حقٌق الطبع هحفٌظت
هقدَّهَت HORDHAC
لبي رؼبٌٝ )ٌٍََِِّٚٗ ػٍََٝ إٌَّبطِ حِحُّ اٌْجَ١ْذِ َِْٓ اعْزَطَبعَ إٌَِ١ ِْٗعَجِ١الً( لبي رؼبٌٝ
)َٚأَرُِّّٛا اٌْحَحَّ َٚاٌْؼُّْشَحَ ٌٍَِِّٗ( لبي رؼبٌٝ اٌْحَحُّ أَشُْٙشٌ َِؼٍَُِْٛبدٌ فََّْٓ فَشَضَ
فِ١ َِّٓٙاٌْحَحَّ فَال سَفَثَ َٚال فُغُٛقَ َٚال خِذَايَ فِٟ اٌْحَحِّ(
اٌحذ٠ث :َِْٓ حَحَّ هلل فٍُ ٠َشْفَثْ ٌُٚ ٠َفْغُكْ سخغ و١ٌٚ َٛذرٗ أِٗ
Risaaladaan waxaan ugu talagalay inaan
ugahadlo axkaamta xajka iyo cimrada
sida,shuruudaha,arkaanta waajibaadka
sunooyinka iyo wixii xajka laxiriira iyo `wixii
xaajiga iyo muctamirka ka xaaraam ah inta ay
xarmanyihiin waxaan ugu talagalay, xujeeyda
soomaalida ah in
aykafaa’iideestaan.sanadwalba.maadaama aan
soomaali ku qoray
Risaaladaan waxaan u qoray Alladartii iyo inaa
ku moodo maalin aysan dadka anfaceyn,maal
iyo wiilal Risaaladaan Waxaa qoray: Sh.
3
3
Ibraahiim Maxamuud Jiisoow (sh. Jiisoow)
Tell:5591213
XAJKA luqo ahaan waxaa layiraa qasad sharci
ahaana waxaa layiraa in beeytka Alle cibaado
loola qasdo
XAJKU wuxuu kamid yahay tiirarka islaamka
oo shanta ah,waana rugniga shanaad,
XAJKA waxaa la waajibiyay sanadkii lixaad ee
hijriyada,
XAJKA IYO CIMRADA qofka muslimka ah
cimrigiisa hal mar ayey ku waajibaan hadii
shuruudi laga helo waxaana u daliil ah xadiiska
rasuulka c.s.w markeey soo degtay aayadda
97aad ee suuratu, aala cimraan, ayey asxaabtu
waxay, dheheen sanadkasta miyaa markaas
ayuu rasuulku yiri MAYA hadii aan dhihi lahaa
haa wuu idinku waajibi lahaa mana awoodeen
markaas ayaa waxaa soodegtay aayada101aad
ee suuratu Al Ma,ida taas oo Alla uga reebay
asxaabta su,aasha badan
RASUULKA c.s.w.marki XAJKA lafaral yeelay
kadib halmar ayuu xajiyay wuxuuna xajiyay
sanadkii 10aad ee hijriyada waxayna aheyd
xajatul wadaac laakiin inta’aan lafaral yeelin
4
4
xajka oo ahayd hijriyada kahor laba mar ayuu
xajiyay wuxuuna cimreestay afar mar. XAJKU
waxa uu leeyahay axkaamul khamsa,oo mar
wuxuu noqdaa fardulceyn sida xajka kowaad
ee qofka lagu leeyehay marna wuxuu noqdaa
fardul kifaaya Sida inay, sanadwalba
muslimiinta qaar kamid ah xajiyaan, si ay
kacbada cibaado ugu nooleeyaan. Marna
wuxuu noqdaa sunno, sida xajka caruurta iyo
adoomada, Laakiin haddii carrurtu,
qaangaaraan, adoomaduna xoroobaan waxaa
lagarabaa xajki waajibka ahaa oo lagulahaa.
Marna wuxuu noqdaa xaaraam
sidamarkalahubsado,indhibaatokaimaanayso
safarka xajka marna wuxu noqdaa karaaho
sida marka laga shakiyo in dhibaato
kaimaanayso safarka xajka
FADLIGA XAJKA&CIMRADA
Rasuulku wuxuu yiri C.S.W qofka xajiyo oo aan
xajkiisa wax fuxshi ah ku sameynin wuxuu
xajkiisa kasoo noqdaa asagoo lamid ah
maalintii hooyadiis dhashay
Waxaa kale oo rasuulka kasugnaatay C.S.W.
inuu yiri cimro ilaa cimradeeda kale waxay
5
5
danbi Dhaaf utahay danbigi udhaxeeyso
labadaas cimro xajka lagu samafalayse
jasadiisu(amaalmarintiisu) waa jano
اٌؼّشحُ اٌٝ اٌؼّشحِ وفبسحٌ ٌّب ث١ّٕٙب،ٚاٌحح اٌّجشٚسُ ٌ١ظ ٌٗ خضاءٌ اال اٌدٕخُ
FADLIGA LAGA HELAAYO KUTUKUSHADA LABADA
Masjidul xaraam iyo Masjidu nabiyi s . c .w
الحدٌث: صالةٌ فً هسجدي ىرا افضلُ
هن الف صالة فٍواسٌاه االالوسجد الحسام
ًصالةٌ فً الوسجد الحسام افضلُ هن هائت الف صالة
فٍواسٌاه
Salaad lagu Dukada Masjidka Nabiga waxeey
ka Fadli badantahay kun salaadood oo lagu
dukado meelaha kale aanka aheeyn Masjidul
xaraam. Salaad lagu Dukada Masjidul
xaraamka waxeey ka fadli badantahay
Boqolkun oosalaadood
oo lagu dukado meelaha kale
FADLIGA MAALINTACARAFO:
Rasuulka wuxuu yiri C.S.W majiro yoom
kabadan in alle ka xoreeyo adoonka naarta
maalinta 5Carafo5
SHURUUDAHA XAJKU WAA TODDOBO
Islaanimo, Qaangaar, Caqli, Xornimo, Sahay,
Gaadiid iyo Wadadu inay aamin tahay
socodkuna suura galaayo oo :loola jeedo in
6
6
marka hantidu ku soo gashay laga gaari karo u
diyaar garowga xajka sida inaad goosato
Baasaboor oo aad fiisana hesho. XAJKA waxaa
kaloo loo
shardiyaa,awoodAwoodaas,oolookalaqaadayol
abo.Awood,dhaqaale,iyo,Awoodxoogah.Qofka
,awoodadhaqaale leh laakiin aan awooda
xooga lahayn waxaa ku waajiba inuu kireesto
qof usoo xajiyo asagooxataa gurigiisa jooga
waxaana u dalii ah xadiiska Buqaari warinaayo
oo ahaa in haween,ay utimid Rasuulka (s.c.w)
ayna ku tiri Rasuulka faralka alla adoomadiisa
ku faral yeelay wuxuu haleelay Aabahay oo
duq ah daabadna kuma sugnaankaro ee maka
xajiyaa Rasuulkuna wuxuu yiri nacam.
CARUURTU waalidkood weey uxajin karaan
farqina kalama laha wiil iyo gabar, laakiin
waxaa shardi ah in qofka qof kale ka xajinaayo
in uu marka hore naftiisa kasoo xajiyo. QOFKA
awooda dhaqaale iyo awooda xoog isku leh
asiga ayay waajib ku tahay inuu soo xajiyo
HAWEENKA WAXAA LOO SHARDIYAA
MUXRIM
7
7
Ama ninkeeda sida ku cad xadiiska Rasuulka
waxaakaloo loo baahanyahay in qofka
xajinaayo uu ka xajiyo maal xalaal ah waxaa
kale ooloo baahanyahay,inuu dardaaram qoro
uu kaga hadlaayo waxa lagu leeyahay iyo wixii
uu dad kuleeyahay waxa lagu leeyahay waxaa
lolajeeda DEEYNKA aan xaala aheeyn (aan
haddalagarabin),laakiin haddii deynku (xaalo
yahay)oo hadda laga rabo waa in uu iska
bixiyo deeynka marka hore,kadibna wixii usoo
hero haddeey xaj udhan yihiin uu ku
xajiyo,haddii aysan xaj udhameeyna xaj kuma
waajibin
QOFKII KADHINTO HANTI ayka,waajibtay in
laga xajiyo.asiga oon walikaxajin hantidaas
Waxaa ku waajib ah qofka dhaxalka
iskaleh,inuu uga xajiyo hantidaas ileen deenka
alla ayaa ku xaqnimo badan in lagudee, sida ku
cad xadiiska bukhaari uurasuulka,c,s, kuyiri,
deenka alla ayaa ku xaqnimo badan in lagudo
ِغٕٟ اٌّحزبج فٟ اٌدضءاألٚي سلُ 468
8
8
laakiin qofkii kaxjinaayo qofkaas waxaa
looshardiaas inuu isagu naftiisa marka hore
xajki waajibka ahaay ka xajiyay.
Qofki waalidkeed oo muslim ah joogo waxaa
loo suneeyaa ineey ka,idan qaadato xjka
aadistiisa
HAWEENKA LAQABO xajkama ansaxaayo
haddii uusan idmin ninkeedu maxaayeelay
ninka xaqa uu haweenta kuleeyahay waa
foori(degdeg) xajkuna waa taraakhi(dib)
xajkaas ha ahaado faral ama suno laakiin
salaada &soonku sidaama,aha maxaa yeelay
waqtigooda ayaa gaaban oo ninku ku
dhibtoomaayo (baajuuri nonbar 333)
ARKAANTA XAJKU WAALIX
1. Niyo maca ixraam ah. istaaga carafo,
dhawaafurugniga (ifaadaha), sacyiga
xiirashada am gaabsashada
RUGNIGA KOOWAAD
9
9
WAA XARMASHADA (Xarmasho macal niyo ah)
Xajka waxaa la xarmada bilaha Xajka oo ah
SHAWAAL (Soonfur), DUL-QACDA(sidataal) iyo
tobanka maalmood ee Bisha
carafo,uguhoreeyso laakiin qofki xarmado
bilahaan waqti aan aheeyn Ixraamkiisu wuxuu
noqonayaa cimro kaliya maxaa yeelay cimrada
sanadkoo dhan waa la cimreysan karaa
waxaan a suno ah inuu marka horo qubaysto
xirtana dharka cad-cad.hadduu nin rag ah
yahay:Laakiin haweenka looma suneeyo in ay
xirtaan dhar cadcad balse waxay qaadanayaan
dhar astur ah, sida xijaabka kadibna laba ragco
oo suno ah uu dukado kadibna xirto xajka
uuna yiraaho naweeytul xaja wal cumrata
I.W.M haduu soomaaliya ka tago wuxuu ka
soo xarmanayaa YALAMLAM laakiin hadii uu
madiino ka imaanayo sida marka uu xajka ka
hormariyo siyaarada Rasuulka qabriga (c.s.w.)
wuxuu ka xarmanayaa dulxuleeyfa
XAJKA WAXAA LOO XAJIYAA SADDAX NOOC
10
10
IFRAAD TAMATUC IYO QIRAAN Sadaxdaan
midkI aad rabto ayaad xajinee waadna ku
dhawaaqee ilayn Rasuulku wuu ku
dhawaaqaye hadii aad xajinayso Ifraad waxaad
leedahay naweeytul xaja ,wa
axramtu,bihi,hadii aad xajinayso Tamatuc
waxaa leedahay naweeytul xaja wal
cumrata,wa axramtu bihi marki, aad xajinayso
Qiraan waxaa leedahay sidii oo kale: haddii
uuqofku qofkle ka xajinaayo wuxuu leeyahay
(naweeytul xaja canfulaanin) waxaa niyeestay
inaan hebel kaxajiyo
TAMATUC:
Waxaa layiraahdaa in la hormariyo cimrada
lagana hormarsho xajka inta aan lagaarin
maalinta sideedaad oo aad xajka gali lahayd
kadina markaad dhameysato cimrada waxaa
kuubanaan waxkasto oo ixraamka dartii kaaga
xaaraam ahaay oo
ahaayeen,tobanka,sheey,ooaay,kamidtaha
xaaskaaga oo aad utagto dharka ixraamka
ooaad iska dhigto barafuunka ama wax
carfaayo ooaad marsato I.W.M.sidaas ayaana
11
11
loogu magaacaabay TAMATUC oo macnahiisu
yahay RAAXEEYSI ileen wuxuu ku raaxeestay
labadi cibaado dhexdoodee oo ixraamki
lamataagnaan illaa xajki lagagaaraayee
markaas kadib ayuu xaajigu xaj xarmanayaa
maalinta sidedaad خ٠ٚزشٌاَٛ ٠waxuuna helay
markaas xaj iyo cimro waxaana lagaa rabaa
dhiig ama soon sida kucad aayada 196
aad,eesuuratul baqara
HADABA XUJEEYDA waxaa ufiican ineey
mutamatic noqdaan ooay marka horaba
mutamatic xirtaan oo (niyeestaan) maadaama
rasuulku asxaabta kuyiri xajkiina ubadala cimro
cimradu waxeey ku egtahay markuu xarmado
uuna xirto cimrada dawaafana dawaaful cimro
sacyinalayimaado,.xalqi(xiirasho.amagaabsash
o uusameeyo halkaas ayeey ku egtahay
cimradu kadib ayuu xaajigu xaj gelayaa
maalinta sideedaad ee carafe waana marka
aad xirato tamatuc amaqiraan
Xusuus:. Xaajiga ah Mutamatic haddii uu ka
gudbo miiqaatka sida haddii aydiyaaradu ka
gudbiso miiqaatka dabadeedna usoo noqdo
miiqaadka kadibna uu xaj kasoo xirto,asiga oo
12
12
aan acmaash xajka bilaabin wuu ka dhacayaa
dhiigi laga rabay.ileen mukhaalifadi
uusameeyay wuu ka laabtee lakiin hadii uusan
soo laaban uuna xajki sii wato dhiigi ayaa laga
rabaa,laakiin xaajiga mutamatica ah haddii uu
yahay dadka degan Masjidul xaraamka
fidyo(dhiig ama soon) lagama rabo sida ku cad
aayadda 196aad ee Suuratul baqara
MULAAXADA (FIIROGAAR AH)
Sababta aan looga rabin dadka xaramka degan
fidyada ee looga rabo dadka aafaaqda kayimid
(korka Imaadka ah) waxay tahay dadka
xaramka degan ayagu ma cimreeysanayaan
bilaha xajka ooah soonfur sidataal iyo tobanka
ugu horreeysa bisha carafo maxaayeelay ayagu
xaramkia ayeey,degenyihiin oo jaanis ayeey
heestaan oo sanadka intiisa kale ayeey iska
13
13
cimreeystaan maxaayeelay cimradu sanadka
oodhan waa lacimreeysan karaa. fidyadana
waxa keenayo waa bilaha xajka inta
lacimreesto laxalaaloobo isla sanadkaasna
laxajiyo wax kukalifaayana malaha arintaas
fidyada keenaayo maadaama ay xaramki
degenyihiin ayna cimreeysankaraan waqti aan
aheeyn bilaha xajka laakiin dadka aan
xaramka degeneeyn hadeey mutamatic ama
qiraan yihiin waxaa laga rabaa fidyo
maadaama ay bilhi xajka
cimreeysteen,ayna,xalaaloobeen(raaxeesteen)
isla sanadkiina xajiyeen waana jaanis eey ka
faa,iideesteen maadaama aysan ayagu
xaramka degeneyn oo aay safar ku yimideen
kana faa,iideesteen jaaniskaas si eey uhelaan
14
14
xaj iyo cimro waana ineey xirtaan mutamatic
ama qiraan fidyana iska dhiibaan ama
soomaan sida kucad aayada 96 aad ee suuratul
baqara waana kaas farqiga udhaxeeyo dadka
xarmka degen iyo dadka safarka kuyimid
ٚاهلل أػٍُُ ثبٌصٛاة
WAQTIGA:XOOLAHA,LAQALAAYO
wuxuukabilaabanayaa markey qoraxdu
soobaxdo maalika tobanaad oolajoogo qadar
ah inti salaada ciida laga dugado lagana aqriyo
labadeedi qudbo wuxuuna baaqi ahaanayaa
waqtiga xoola qalidu ilaa iyo ayaamu tashriiqu
ka dhamaadaan
IFRAADKU:waa kaliyeen xajka lakali yeelo
markahorana,uukasooxarmado,miiqaatkiisa
kadibna marka uu xajka dhameysto uu soo
cimreysto uuna cimrada kasooxarmado xiliga
meesha ugu dhaw mrkuu kabaxo mako
waxaana ugu fadli
badan,meelahaas,JICRAANA:&TANCIIM&XU
DEEYBIYA
15
15
QIRAANKU: waa in la xiriirsho xajka iyo
cimrada waana inuu halmar labadaba wada
xirto oowna isku xiriirsho uuna halmar
layimaado acmaashii xajka ileen cimradina
weey sooguda geleehe ee xaajigu niyo uun
halayimaado
QIRAAN waxaa loogu bixiyay wuxuu xiriiriyay
acmaashii xajka &cimrada qofkii Qiraan
xajinayo waxaa lagarabaa dhiig ama soon oo
ah sida aan aan ku soo sheegnay tamatuca
laakii dadka degan xaramka dhiig iyo soon
lagama rabo sida ku cada aayada 196 ee
suuratul baqara sababtana waan soosheegnay
markuu
Xusuus:. waxaa la isku khilaafay, yaa ugu fadli
badan sadax nooc, ee xajka loo xirto
shaaficiyada iyo maalikiyadu waxay dheheen
waxaa ugu fadlibadan, IFRAADKA waxeeyna
daliilsadeen xadiiski bukhaari oo caa,isho
warieeysan nanbarka 4146 ayna tiri waxaa
naga mid,ahaay mid cimro xarmaday (xirtay)
waxaa naga mid,ahaay mid xaj xirtay waxaa
naga mid,ahaay mid xaj iyo cimro xirtay
rasuulkuse wuxuu xirtay xaj sidaa darted
16
16
waxeey qaateen reer shaafici ficilka rasuulka
c.s.w.ee xajatul wadaac waxaa kale
aydhaheen shaaficiyadu mutamatci iyo qiraan
waxaa laga rabaa dhiig ama soon laakiin
ifraadka lagama rabo kabkuna wuxuu ku tusaa
nuqsaan
IMAAMU axmad wuxuu yiri waxaa ugu fadli
badan tamatuca wuxuu daliilsaday rasuulka
c.s.w. oo asxaabta ku amray ineey tamatuc
kadhigaan ooxajki aywateen cimro ugediyaan
markeey cimrada dhameestaana eey xajiyaan
wuuna fiiriyay imaamku amarka rasuulka
c.s.w.ABUUXANIIFANA wuxuu yiri waxaa ugu
fadli,badan,QIRAANKA marka uu xaajigu xajka
xirto wuxuu dhahayaa labayka
laahuma labayk labayka laashariika laka
labayk inal xamda wanicmata laka wal
mulku laa shariika laka waana suno,
kadibna wuxuu aadayaa maalinka sideedaad
oo loo yaqaano yowmu-tarwiya oo ah
maalinta biyo dhaamiska waxaana loogu
bixiyay xujeyda oo biyaha xajka ayku
isticmaalayaan dhaansan jiray waxeyna
17
17
joogayaan maalintaas Muno waxeyna ku
tukunayaan Duhur, Casir, Maqrib iyo Cisho iyo
subax weyna gaabinayaan salaadaha, illeen
waa musaafire,laakiin, subax iy maqrib lama
gaabiyo sidoodaba waxa lagaabiyo waa uun
rubaaciyada (afareeyda) duhur,casiriyocisho
Subaxda sagaalaadna waxey . aadayaan Carafo
maalinta carafana salaadaha wxay
kusameeynayaan taqdiim iyo ta,khiir weyna
jamcinayaan oomarki duhur lagaaro waxeey
dukanayaan duhur iyo casir jamcu taqdiim
maqribka marka lagaarana wey dibdhigayaan
(jamcu ta,khiir waxeeyna dukanayaa marki
cisho lagaaro waxeyna ku dukanayaan
muzdalafa cishahana waalagaabinayaa
2. RUGNIGA LABAAD WAA WUQUUFUL
CARAFA
`Carafa kuligeed waa mowqif oo meeshaad
doonta ayaa ka istaagi kartaa waana maalinta
sagaalaad ee bisha carafe waqtiga carafo waa
laga bilaabo geeska suulka qoraxda maalinta
carafo illaa salaada subax kadhalato habeenka
tobanaad qofkii Carafo tagi waayo maalinka
sagaalaad xaj uma jiro, imaamka ama
18
18
naa’ibkiisu wuxuu akhrinayaa labo khudbo
maalinta Carafaat dabadeed wuxuu tujinayaa
dadka duhur iyo casir oo Jamacna ah
Qasirna ah oo labo labo rakco laga
tukanayo. Xaajigu wxuu ku
duceysanayaaCarafo dhexdeeda wuxuuna
badaniyaa towxiidka, waxaana u daliil ah
xadiiskii rasuulka (S.C.W.S) uu yiri: “duco
waxaa ugu kheyrbadan ducada maalinta
Carafa” waxaa kaloo uu yiri rasuulku (S.C.W.S):
Waxa aan iri anigaiyo nabiyaashi,iga horeeyay
waxaa ugu kheyr badan(Laa Ilaaha Illalaahu
Waxdahu laa shariika lahu lahul mulku walahul
xamdu wahawa calaa kuli shey’in qadiir),
ِغٕٟ اٌّحزبج فٟ اٌدضءاألٚي سلُ 497
waxaa kaloo xaajiga loo suneeyaa inuu saliga
nabiga badiyomaalintaas. Laakiin fuulida
buurta AL-RAXMA fadiila gooni ah malahan,
sida Imaamu Nawaawi uu ku sheegay
kitaabkiisa Majmuuca ah.halkaasayaana
ilimada lagu daadshaa danbiyadna looga tooba
keenaa
ٕ٘بن رُغْىتُ اٌؼَجَشَادُ ٚرُمبيُ ٌؼَثَشَادُ
19
19
Xaajiga carafa wuxuu ka tagayaa markii ay
qoraxdu dhacdo, wuxuuna aadayaa
Muzdalafa.
XUSUUS Qofka aan tagin carafa maalinta
sagaalaad xaj uma jiryo waxayna sameeynee
acmaashii cimrada ileen cimradu malaha
wuquuf carafe;waxaa kuwaajiba inuu soo
qaleeyo xajkaas xataa hadii uu ahaay xajkaasu
suno xaajiga markuu kabaxaayo carafo
Maqribka wuu akhirayaa (dib ayuu u dhigayaa)
si uu ugu dukado maqribka iyo cishahaba
iyagoo jamac ah Muzdalafa markuu tago.
Habeenkaas tobnaad ayuu dukanayaa
maqribkii iyo ceshahaba ayagoo jamac ah
maqribka wuxuu duganayaa seddex rakco
ileen magrib iyo subax lamagaabshee
cishahana wuxuu dukanayaa labo rakco HAL
AADAAM IYO LABA AQIM ayuuna ku
dukanayaa dhexdoodana lama suneeyo saalad
suno ah wuxuuna baryayaa (seexanayaa)
Muzdalafa. Waxaa sunno ah in Haweenka iyo
dadka tabarta daran ay sii baxaan habeenka
kala barkiisa markii la gaaro, ayna aadaan
Muna baryida(hoyashada) muzdalafa iyo muno
20
20
waxaa laga fasaxay dadkaxoolaha ilaalinayo
waxaa loola jeedaa xoolihii laqali lahaa laakiin
hadda doowladda sacuudiga ayaa dad
shaqaala ah uyeeshay waxeeyna sii marayaan
Mashcarul-xaraamka, sida ku cad ayaada
200aad ee suuratul BAQARA Waana buur ku
taala meesha ugu danbeysa Muzdalafa oo la
yiraahdo QUZAX, wayna dul istaagayaan,
wayna ducaysanayaan illaa waagu ka iftiimo,
iyagoo qaabilsan Qiblada, arintaasna
waasunno. Intaakadib, Xujeydu waxay
aadayaan Muno, markii qoraxdu soo baxdo
kadib, qof kastana wuxuu tuuranayaa Buurta
(Jamratul kubraa) waana midda soo xigto
Masjidul-kheyf. Oo ugu sokeeyso marki aad
katimaado Musdalifa xageeda uguna xageeyso
oo xigto Mako xageeda Maalintaas tobonaad,
halkaas buur uunbaa tuureeysaa HALKAAS
AYEEYKU
GOOYNAYAAN TALBIYADA,XUJEEYDU
wuxuuna ku tuurayaa buurta todobo dhagax,
wuxuuna leeyahay markuu dhagaxa tuurayo
ALLAAHU AKBAR.
21
21
XUSUUS Dhagada latuurayo xajka dhexdiisa
dhamaantod waa 60 dhagax
ِالحظخ :FIIROGAARAH
Waxaalayiri dhagaxa la.aqbalay waa
lakoryeelaa ka aan la,aqbalina meesha ayaa
looga tagaa.ooHaddi aaneey sidaa aheeyna
weeyba buuxsami lahaayeen buuruhu
ِغٕٟ اٌّحزبج فٟ اٌدضءاألٚي سلُ 555
Intaa kadib, haddii uu yahay MUTAMATTIC
ama QIRAAN, wuxuu qalayaa xoolihii
kuwaajibay hadii uusan awoodina waxaa laga
rabaa toban maalmood oo soon ah, soonku
wuxuu ka soo bilaabahayaa maalinta lixaad ee
carafo si uu sagaalaadka u afurnaado ileen
xaajiga looma suneeyo maalinta,sagaalaad
soone:mana soomayo ayaamu tashriiqa ookala
ah koow &tobanka laba iyo tobanka saddax
&tobanka,illeensoonkoodu,waa,xaaraam,waxa
ana,udaliilaxadiiska,rasuulka,C.S.W.uuna
warinaayo Imaamu muslim uukuyiri Maalmaha
ayaamu tashriiqu waa maalmo cunitaan
&cabitaan iyo digriga ilaaheey saddaxdaas
maalin uu soonkooda kasoo bilaabay maalinka
lixaad wuxuu kusoomyaa xajka dhexdiisa
22
22
XUSUUS;Haddii xaajigu,uusanku soomin
saddaxdaas maalin xajka dhexdiisa wuu soo
qaleeynayaa fidyana lagama rabo
ِغٕٟ اٌّحزبج فٟ اٌدضءاألٚي سلُ 517
todobada maalmoodna ee soo hartana wuxuu
soomayaa markuu kusoo noqdo wadankiisa
sida ku cad aayada 196aad suuratul BAQARA
intaa kadib wuu xiiranayaa ama wuu
gaabsanayaa. Waxaana ragga u fadli badan
Xiirashada, intaa kadib, xaajiga wuxuu la
imaanayaa dhawaaful-ifaada ama dhawaafurukni, XSUUS: waxaa fadli badan indhawaaful
ifaadaha lala yimaado yoomka tobanaad ee
bisha carafo,barqaadiisa,laakiin dhamaad
malaha oo ILaa cimrigaada waa la Imaan
kartaa dabadeed sacyi ayuu la imaanayaa
haddii uusan awal sacyi la imaanin markii uu la
imaanayay dhawaaful-quduumka. Intaa kadib,
wuxuu usoo noqonayaa hadana Muna.si uu
ayaamu tashriiqa ,utuuro buuraha,Waxaa
sunno ah in Tuurashada, Gowraca, Xiirashada
iyo dhawaaful-ifaadaha sida aan usoo
sheegnay loo kala hormarsho, laakiin waajib
ma ahan sida ku cad Xadiiska Rasuulka (C.S.W)
23
23
oo la weydiiyay maalintaas waxyaabaha lakala
hormarshey uuna ku jawaabay: “Sameey,
danbina korkaaga ma,ahaan
Xusuus: Xiirashada, dhawaaful-ifaadaha iyo
Sacyiga haddii ay kaatagaan waqti kasta waa
lala imaan karaa inta aad nooshahay Haddii
uu xaajiga sameeyo sedaxdaan kala ah:
gamasho, xiirasha iyo dhawaaful-ifaada
wuxuu helayaa taxallulul awal, oo waxaa u
xalaal noqonya wax waliba oo ixraamka, dartii,
xaaraam uga ahaay,inti aanka, aheyn
Haweentiisa,oowutago,iyadoo,cibaadokale,usii
dhimantahay,sidagemashadabuuraha,sidaqofk
adukanayaba,loogadalbo,salaama,
naqsilabaadisgoo, salaadiina uga baxay
salaama naqsigii hore, inkastoo meeshaan oo
ah xajka waxa laga rabo ay yihiin waajib,
salaadana waxa laga rabo ay ahaayeen
salaama naqsi labaad oo sunna ahaa Haddii uu
sameeyo xaajigu kii sedaxaad oo u dhinnaa
wuxuu helayaa taxallul-taani oo waxaa u
xalaalah wax kasta oo ugu xaaraam ahaa
ixraamka dartiis.xataa haweenkiisi. Haddii uu
24
24
kasoo noqdo xaajigu dhawaaful-ifaadaha
wuxuu baryayaa Muna labo habeen ama
seddax habeen sida ku cad Aayada 203 ee
Suuratul Baqara. Baryidaan la baryayo Muno
waa Waajib, qofkii ka tagana wuxuu dhiibayaa
dhiig. Maalmaha 11-aad, 12-aad iyo 13-aad,
waxay tuurayaan seddaxda buuroodba,
waxayna ka bilaabayaan Kubraa, waxayna ku
xijinyaan Wusdhaa, waxayna ku xijinayaan
Jamratul-caqaba.Laakiin haddii uu doono
Xaajiga inuu baxo Maalinka 12-aad
wayubanaantahay sida ku cad aayada, laakiin
waa inuu baxo intii aan qorraxdu dhicin, laakiin
haddii qoraxdu ugu dhex dhacdo muno, waxaa
ku waajibaayo inuu baryo habeenkaas,
tuurana maalinta xigta buurihii sedaxda
aha.waxaa loo suneeyaa Imaamka inuu
khudbo u akhriyo xujeyda Muna dhexdeeda
maalinta 10-aad, salaada duhur bacdigeed,
khudbadaas oo uu ku baraayo axkaamta
dhawaafka iyo tuurashada iyo xoola qalidda
iyo baryidda muno, dabadeed, khudbo labaad
ayuu akhrinayaa maalinta labaad ee ayaamu
25
25
tashriiqa, wuxuu ku akhrinayaa Muno salaadda
duhur bacdigeed, taasoo uu ku baraayo iney
banaantahay inay baxaan maalinta 12-aad iyo,
Axkaamta, dhawaaful-wadaaca, sida inuu,
waajib yahay iyo in qofki, katago, dhiig,
lagarabo iyo in haweenka dhiig qabo laga
fududeeyay ,iyo qofki Inta, sameeyso
dhawaaful wadaaca marko kudaahdo uguna
daaho arimo aan aheeyn isu diyaaiska
safarkiisa in markale lagarabo
3. RUGNIGA SADAXAAD WAA SACYIGA
SHURUUDAHA SACYIGA:
Waa in uu kabilaabo Safo kuna dhameeyo
Marwo, waxaana daliil,u ah, inuu kabilaabayo
Safo, xadiiska rasuuku (S.C.S) uu ku yiri,
kabilaaba mida uu ALLE kabilaabay, oow, u
lajeeday, safa, sida kucad, aayada ku jirta
suuratul Baqara oo Lanbakeeduy 158 aad
waana inuu ordo xaajigu todobo mar inta u
dhaxeyso safa iyo marwo
ذىابُلَ هن الصفا الى الوسًة شٌطٌ ًعٌدُكَ هن
الوسًة الى الصفا شٌطٌ آخس
26
26
markuu safo katago uuna tago marwo hal mar
ayuu xisaabsanayaa markuu ka soo noqdo
marwo uuna yimaado safo, iyadana markale
ayuu ka xisaabsanayaa laakiin dawaafka waxaa
la xisaabiyaa markasto oo aad timaado
calaamada Cagaaran meesha ku aadan oo
muqato oo ku aadan xajarul-aswadka oo xaga
tirada waxaa sahlan sacyiga
XUSUUS Qofki asiga oo dhawaafayo lagu
dul,aqimo wuu joojinayaa dhawaafka wuuna
dukanayaa kadibna halkii ayuu
kasiiwadanayaa,dhawaafkii,oosalaadu,magooy
neyso dhawaafka
XUSUUS, Qofkii dawaaful quduumka kadib,
sameysay. sacyi loogama baahno sacyi kale
inuu dawaaful ifaadaha kadib sameyso sida
dadka qaarkood sameeyaan
XUSUUS Dawaafyadu waa afar
1) Dawaaful quduum oo ah suno oona ah
salaanta kacbada(beeytka) waana sida
taxiyatul masjdka haddii lagatagana waxkama
waajibayaan
2) Dawaafu rukni oo arkaanta kamid ah hadii
laga tagana xajku uusan ansaxeeyn illaa oow
27
27
kalayimaado dawaafkaas oona dhiig
lagukabikarin
3) Dawaaful Wadaac oo ah waajib laguna
qatimo acmaasha xajka hadii laga tagana
waxaaku waajibaayo xaajiga dhiig inuu
baxsho laakiin haweenka dhiig qabo waa lga
fududeeyay (laga fasaxay)
4) Dawaaful cimro oo arkaanta cimrada
kamid ah haddii lagatagana cimradu aysan
ansaxeeyn ilaa uukalayimaado
SUNOOYINKA SACYIGA:
Waxaa kamid ah inoow dahaaro qaato & inuu
fuulo Safo iyo Marwo qadar istaagiisa la eg,
hadii uu fuulo buurta wuu duceysanayaa,
ducada kuqoran risaaladan meesha
udanbeeyso waxaa kaloo ka mid ah
sunooyinka Sacyiga inuu socdo marka
hore,Iyomarkadambe:laakiindhexda,uuordo,w
eynacalaameysanyihiin meesha uu ka
bilaabayo orodka iyo meesha uu ku joojinayo
LAAKIIN,HAWEENKUMARNA,MA,ORDAYAAN
.waxaa kale ookamid ah sunooyinka sacyiga
inoo xariiraho sacyiga dhexdiisa &inoo
xariirsho sacyiga & dhawaafka
28
28
4. RUGNIGA AFARAAD WAA DAWAAFKA:
Rugniga afraad waa dhawaaful ifaadaha ama
dhawaaful rugni, waxuuna kamid yahay
arkaanta sida ku cad ayaada 29 aad ee
suuratul xaj dawaafka waxaa loo shardiyaa
Dahaaro iyo cowrada in la asturo iyo in uu ku
dhawaafo masjidul xaraamka dhexdiisa iyo in
uu dhameystiro todobada dhawaaf iyo in uu ka
bilaabo dhawaafkiisa
XUSUUS: XAJARUL ASWADKA waxaa laga
keenay janada wuxuuna ka cadaa awal
caanaha waxaa madoobeeyay dunuubta
bani’aadamka sida ku cad xadiiska rasuulka
S.C.W. uu warinayo bukhaari. hadii uu ka
bilaabo meel aan aheyn Xajarul Aswadka loo
xisaabi mayo, laakiin hadii uu ku yimaado
Xajarul Aswadka ayuu tiro bilaabanayaa,
waana in Beytku ama Kacbdu eey ka xigto
dhinaciisabidix,waana,inuumarkuudhawaafayo
,kabaxsanyahay,beeytka,waainuukabaxsanyah
ay,shaadirwaanka oo ahdhismaha
catabadaoh(sookalkaah)waadhismogaaban oo
ueg catabadaguryahalagatalaabsado beeytka
ayuuna ku wareegsan yahay illaa
29
29
xijruismaaciilmaaheefmaxaayeelaybeeytka
ayuu ka mid yahay ooqureesh markeey
dhiseeysay,beeytkaayaaqarashkikugaabtay
markaas ayeey katageen (Beydka iyo kacbadu
waa isku mid,kacbo waxaa loogu baxshay afar
geesnimadeeda darteedaiyo kor ahaanteeda
darted beydkuna waa beydkii ugu horeeyay
ee loosoo dejiyay dhulka, sida ku cad aayada
96-aad ee suurada Aala Cimraan. Waxaana ku
xigay beytul Maqdis.
XUSUUS HAWEENKU hadii aysan daahir aheyn
dawaafka dib ayey u dhiganayaan oo waxey la
imaanayaan hoowlaha kale ooaan dhahaarada
loo shardin , Markey daahir noqto ayeey la
imaanee dhawaafki Sida ku cad xadiiska
Bukhaari oo ay Caa’isho laga warshay oo
rasuulka kuyiri markii ay Caa’isho ay xeyshay
ayadoo lajoogo waqtiga dawaafka kani waa
arin alle u qoray gebdhaha bani’aadamka ee
sameey wixii xaajigu sameynayo aan ka ahayn
dawaafka intii aa daahir ka noqoneysid.
30
30
WAQTIGA,DHAWAAFULIFAADA
DHAWAAFULIFAADAAHA:waqtigiisu:wuxuukab
ilaawdaa habeenka tobanaad kala barkiisa
waxuuna baaqi yahay ilaa qofka cimrigiisa
XUSUUS
WAQTIGA GARABKALADABOOLAYO
Xaajigu marka uu dhameeyo dawaafka
garabkiisa midigta ah ha daboolo,eema,aha
inuu markasto garabkiisu iska banaanyahay
sida dad badan ay yeelaan Dhawaafyadu waa
sadax dhawaaful rugni oo ah rugni lana
sameeyo tobonaadka iyo wixii ka danbeeyo.
dhawaaful quduum oo ah suno oo la sameeyo
marka aad kacbada soo galeysid maalinta
sideedaad badanaa waana salaanta buqcada
(kacbada)ee ma,aha mid sidiisa looguqasdo
waana sida taxiyatul masjidka
(ِغٕٟ اٌّحزبج فٟ اٌدضءاألٚي سلُ 510(
Iyo dhawaaful wadaac oo ah waajib una
danbeeyo acmaasha xajka laqabanaayo.
5.RUGNIGASHANAA WAAXIIRASHSDA
AMAGAABSASHADA
Xiirashada xaajiga Waqtigeedu wuxuu galayaa
habeenka tobanaad kalabarkiisa
31
31
Raga waxaa u fadlibadan xiirashada sida ku cad
aayada 27-aad ee suuratul Fatxi iyo xadiiska
rasuuka uu uduceeyay kuwa xiiranayo 3 mar,
markii afaraadna uu u duceeyay kuwa
gaabsanyaan. Haweenku markasta way
gaabsanayaan. Gaabsashda waxaa ugu yar
sadex tin nin ama naagba qofkii sadex tin
waxkayar gaabsado waxaa kuwaajibaayo fidyo
laakiin qofka cimreeysanaayo wxaa u fiican
inoo gaabsado tinta si,marka uuxajinayo tinta
uxiirto
Xusuus Gamashada, gowraca iyo xiirasha da
in sidaan la,isugu xijiyo ayaa fiicantahay laakiin
waajib ma ahan
ٌمٌٛٗ صٍٝ اهلل ػٍ١ٚ ٗعٍُ )إفؼًْ ٚالحشج(
waxaana lagu soo gaabiyaa sidaeey
ukalahoreeyso(RADAXA) oo ah Ramyi, Dabxi
iyo Xalqi
أفؼبي ٠ َٛإٌحش أسثؼخ :Xusuus
hoowlaha maalinka tobanaad waa afar
Tuurasho,goowrac,xiirasho,amagaabsashodaw
aafu rugni ama dawaaful ifaada
RUGNIGA LIXAAD WAA TARTIIBTA ARKAANTA
BADANKEEDA
32
32
التستٍبُ ًضعُ ملِّ شًءٍ فً هستبتِوِ.
ٚلذ لبي صٍٝ اهلل ػٍ١ٚ ٗعٍُ خُزُْٚاػَِّْٕٟ ِٕبعِىَىُُ
Tartiib waxaa layiraa in shayga loo sameeyo
siduu ukala horreeyo, hadaba xaajigu waa
inuu, ixraam macal niyo ah u
horreeysiiyo,ٚkanahorreeysiiyo,dhawaa’ulifaa
daha, iyo xiirashada amagaabsahada, laakiin
xiirashada iyo dhwaafku, tartiib malaha oo
midki la rabto ayaala hormarikaraa wuquufka
carafana wa inuukahoreeyo xiirashada iyo
dhaaful ifaadaha laakiin xiirashada
&dhawaaful ifaadaha midki larabo ayaa
lahormari karaa
XIIRASHADA WAQTIGEEDA
wuxuu gelayaa habiinka tobanaad kalabarkiisa
SUNOOYINKA DHAWAAFKA
Waa inuu dawaafo asagoo kabo la’aan ah, waa
in uu salamsado (taabto) Xajarul Aswadka
dhawaafka ugu horeeya uuna dhunkoodo
uuna wajigiisa dul saaro Xajarul Aswadka.
Hadii ay u suuroobeyso., hadii uusan awoodina
waxa uu ku ishaarayaa gacantiisa ama ul,
laakiin ma dhunkoodu xaajigu Rugniyeynka
33
33
Shaamiyeenka ah mana salamsado (mana
taabto)laakiin wuxuusalamsadaa (taabtaa)
rugniga Yamaaniga laakiin ma
dhunkoodo.Waxaa kaloo suno ah inuu
rucleeyo (ordo) saddex mar ee ugu horreeyo
dhawaafka laakiin laba rukni inta udhaxeeyso
ma ordayo afarta mar ee soo hertana wuu
soconayaa xaajigu lama amrin xujeeyda ineey
todobada mar ordain naxariis loo
naxariisanaayo darteed orodkaas waxuu qaas
ku yahay dawaaf uu la cirbinayo sacyi ee ma
aha in xaajigu markasta orodkaas sameeyo
sida dadku u badanyihiin, waxaa kaloo suno ah
in xaajigu Jino tuuro;
XUSUUS JINA TUURKU WUXUU KHAAS
KUYAHAY dawaafka uu orodka ku dhex
sameynaayo ee ma aha in xaajigu dhawaaf
kasto jina tuuro sida dadku u badanyihiin, jina
tuurku waxaa waaye inuu xaajigu maradiisa
kala barkeed uu yeelo garabkiisa midigta ah
hoostiisa, labada dhinac oo kalana uu yeelo
garabkiisa bidixda ah,
HAWEENKU,MARNABAMAJINATUURAYAANM
ANAGULFIAYAAN(marucleeynayaan)
34
34
Dhawaafka sunooyinkiisa waxaa ka mid ah
inuu xiriirsho todobada mar, waxaa kaloo ka
mid ah sunooyinka dhawaafka inuu dhawaafka
ka bacdi uu labo rakco ku tukado Maqaamu
Ibraahiimka, rakcada hore wuxuu ku aqrinayaa
“Suuratul Kaafiruun” rakcada labaadna wxuu
ku aqrinayaa “Suuratul Ikhlaas”. Kadib wuxuu
cabayaa biyaha Zamzamka wuuna ka feera
buuxsanayaa oo wuu ka dhergayaa wuuna
duceysanayaa oo wuxuu ku duceysanayaa
wuxuu jecelyahay aduun iyo aakhiraba.
WAAJIBAADKA, XAJKU WAA SADDAX
Haddiilagudaro xiirashda ama gaabsashadana
waa afar laakiin annagu arkaanta
ayaankusoodarnay waana sida raajixa ah
WAAJIBKA KOOBAAD waa in laga soo
xarmado miiqaat
Miiqaatka soomaalidu waayalamlam.
QOFKI,mako degen,miiqaadkiisu,waa gurigiisa
ama xijri ismaaciil Sidoo kale qofki safar
kuyimaado mako joogana mako uguyaraan
afar maalin aysan kujirin maalinki uu mako
soogalay iyo maalinka ookabaxayo 264 ٟٕغِ
yahay kamid wuxuuاٌّحزبج فٟ اٌدضءاألٚي سلُ
35
35
reer mako oo wuxuu kaxarmanayaa mako
laakiin cumrada waxeey ubaxayaan xilliga
(adnalxilli)
Miiqaatku wuxuu u kala baxaa labo. Miiqaat
zamaani ah iyo miiqaat makaani ah miiqaatka
zamaaniga ah ee xajka waa bilaha sonfur,
sidataal iyo tobanka hore ee bisha carafo sida
kucad ayaada 197aad ee suuratul BAQARA
laakiin cimrada sanadka oo dhan waa la
cimraysankaraa. Miiqaatka makaanig ah waa
shan qofka degan Mako waxa uu
kaxarmanayaa Mako lafteeda laakiin Qofkii
aan Mako deganeen hadii uu kayimaado
Madiino wuxuu xarmanayaa DUL-XULEEFA oo
hadda loo yaqaano RAABUQ qofkii ka
yamiyaada Masar ama Magrib (marooko) iyo
Shaam waxay kaxarmanee JUXFA Qofka
kayimaada Yaman iyo Soomaaliya wuxuu ka
xarmanayaa YALAMLAM Qofka ka yimaada
Najdil-xijaaz iyo Najdul-yaman wuxuu ka
xarmanaa QARNAN qofka kaymaada Bari
wuxuu ka xarmanaa DAATU-CIRQIN
.
36
36
WAAJIBKA LABAAD waa gamashada buuraha
tuurashada buuraha maalinta tobonaad
xujaaydu waxay ka soo tagayaan MUSDALIFA
markeey salaada subax dukadaan laakiin
dadka tabarta yar waxaa loofasaxay iney
soobaxan habeenka kalabarkii (lix saac
habeenimo) soona aadaan MUNA si, ey u
tuurtaan buurta, xujeeydu waxay gamayaan
(Jamratul kubraa) waana midda soo xigto
Masjidul-kheyf. Oo ugu sokeeyso marki aad
katimaado Musdalifa xageeda uguna xageeyso
oo xigto Mako xageeda Maalintaas tobonaad,
halkaas buur uunbaa tuureeysaa
,waqtigeeduna wuxuu gelayaa habeenka
tobanaad kala barkiisa laakiin maalmaha kale
ee ayaamu tashriiqa tuurashada waqtigeedu
wuxuu gelayaa waqtiga duhurka markaas
ayeeyna TALBIYDA, gooynayaan Laakiin
muctamirku waxuu talbiyada gooynayaa
markuu dhawaafka bilaabayo
ِغٕٟ اٌّحزبج فٟ اٌدضءاألٚي سلُ 501
37
37
xusuus xujaaydu takbiirta waxay bilaabayaan
maalinta tobanaad markeey ka xalaal noqdaan
ixraamkooda (taxalulal,awalka)
GAMIDA WAQTIGEEDU, wuxuu ku egyahay,
maalinka ugu danbeeyo, ayaa mutashriiqa
qorraxdiisu dhacdo, Qofki gamitaanku katago,
wuu soo qaleeynayaa, haddii uu sooqalleyn
waayana waxaa ku waajibaayo fidyo, oo ah
inuu dhiig baxsho
xusuus Dawaafka iyo sacyiga dhexdiisa
xaajigu kuma talbiyeesto ee adkaar kale ayuu,
la imaanayaa oo ku qoran risaaladaan
aakhirkeeda todobo dhagax ayena gamayaan
xujaaydu maal-maha kalane sadaxda buurba
way gamaayaan oo kala KUBRAA ama
(JAMRATUL CAQABA)WUSDHAA,JAMRATUL,
AKHIIRA laakiin maalinta koowaad waxaa
gamida bilaabi kartaa laga bilaabo habeenka
tobonaad kala barkiisa lakiin maalmaha kale
tuurista waxay bilaabanee waqtiga duhurka
waxaadna leedahay markaad gameyso
buuraha Allahu Akbar,Waxaa suno ah inuu
38
38
duceysto xaajigu markuu tuurtayo buurta 1-
aad iyo tan 2-aad.ba asagoo qiblada qaabilsan
gacmihiisana kor u qaadayo laakiin buurta u
danbeyso ee jamratul caqaba ma istaagayo
mana duceysanahayo sida kucad xadiiska
rasuulka S.C.W Haddii ay kaatagto halmaalin
gamashadeed,waxaad, la imaanaysaa,
ayaamu-tashriiqa dhexdiisa, laakiin haddaad la
imaanwayso ayaamu-tashriiq dhexdiisa kadib
makaa ansaxayso,tuuridu waxaana kugu
waajibayo dhiig inaad bixixo
xusuus Qofkii rabo, inuu buuraha, u tuuro
qof aanturan Karin waxaa shardi ah in uu
markahore naftiisa katuuro
xusuus maalinka tobanaad halbuur
uunbuu tuurayaa Hadduu buurta uu
tuuro maalinka tobanaad wuxuu
qalayaa xoolih hadduu mutamatic ama
qiraan yahay dabaded wuu xiiranayaa
ama wuu gaabsanayaa kadibna wuxuu
aadayaa Mako si uu dawaaful ifaado
39
39
ama dawaafu rukni ulayimaado sidaan
ineey iskuxigaan ayaa fiican laakiin
haduu kala hormarsho wax dhib ah
ٌمٌٛٗ صٍٝ اهلل ػٍ١ٚ ٗعٍُ)إفؼًْ ٚالحشج malaha
Waajibka saddaxaad waa Dhawaaful wadaac.
Dhawaaful wadaacu waa waajib waana in
xaajiga dhawaafo kacbada markuu dhameesto
howlaha xajka laakiin lagama rabo sacyi. Qofki
ka tagto Dawaaful wadaaca waxaa laga rabaa
dhiig. Laakiin hadii uu kasoo noqdo meel la eg
masaafatul qasri ama ka yar wuu ka dhacayaa
dhiiggu. Laakiin haweenayda xaa’ida ah waxaa
u bannaan inay iska baxdo wadaac la’aan, sida
ku cad xadiiska rasuulka (C.W.S) ay warineyso
Caa’isho in Safiyo oo kamid ah haweenka
rasuulka C.S.W ay xeeshay markii la baxayay
dabadeedna rasuulka uu kuyiri maalintii
tobanaad,dhawaafki,ahaa,dawaafurugniga,ma
sameysay,dabadeedna layiri waay sameysay
kadibna uu yiri iska bax.
40
40
Xusuus Haddi uu xaajigu bixi waayo
dhawaaful wadaaca bacdigiis uuna udaaho
arimo oon kusaabsaneen anbabaxa safarkiisa
wuu soo celinayaa dhawaaful,wadaaca haddii
uusoocelinwaayana dhiig ayaa laga rabaa
laakiin haweenka dhiiga qabo waqtigaas
ayga,waa laga fasaxay dawaafulwadaaca
sidaku cad xadiiski hadda aan soosheegnay
Faaiido فائدة
Haduu xaajigu uu usafro meel kayr masaafatul
qasri ujirto mako asagoo sameeyay dawaaful
wadaac sida jido oo kale usafra ileen jiddo
madhamee masaafatul qasririye uunana ku
nagaado mudo afar maalin ka yar wax dhiig ah
kuma waajibin laakiin haduu usafro markuu
dawaaful wadaaca sameeyay meel dhan
masaafatul qasri ama meel mako kabaxsan
kusoo nagaadao mudo gaareeso afar maalin
ama kabadan dawaaful wadaaci hore waa
buray oo waxaa laga rabaa dhawaaful wadaac
dhiigna waa kuwaajibay hadii uu san aheeyn
dadka cudur daarka leh
انتيى زٌاض البدٌع
41
41
xusuus:
FARQIGA U DHAXEEYO RUGNIGA, WAAJIBKA
IYO SUNO
Rugni hadii aad ka tagto xajka ama cimradu
ma’arnsaxayaan ilaa aad kala timaadid
rugnigaas laakiin waajib hadii aad ka tagto
waxaa kugu waa jib ah dhiig ama soon, SUNO
hadii aad ka tagto waxba kuguma
waajibin.katagidaas darteed
SUNOOYINKA XAJKA WAA LIX
1) Ifraad oo ah in lakali yeelo xajka.
2) Talbiyo oo ah labayka lahuma labayka. 3)
dhawaaful Quduum.
4)in lahoydoMuzdalafa.
Xusuus Dhagaxda wax lagu tuurayo in
muztalafa laga Gurubsado waajib ma,ah n ee
meel kasta ayaa laga gurubsan karaa
5) In lahoydo Muno. 6) In laba ragco
lagudukado Maqaamu-ibraahiimka.
WAXYAALAHA IXRAAMKA DARTIISA
XAARAAMKU AH WAA TOBAN
1. in-ninku xirto dhar ay tolmo gashay.
Laakiin haweenku way xiran karaan
42
42
2. in-ninku madaxa uu daboolo iyo in
haweenku wajiga ay daboolaan
3. in-tinta lashaleeyo
4. in-tinta laxiiro aydoon waqtigeedi lagaarin
5. in-cijiyaha lajaro aydoon waqtigeeda
lagaarin
6. barafuun ama shey carafaya aydoon
waqtigeeda lagaarin aad marsato Laakiin
dhib maLaha baruun aad marsatay
intaadan Ixraaman haduu kugu baaqi
noqdo(kaasoo carfo)
ِغٕٟ اٌّحزبج فٟ اٌدضءاألٚي سلُ 479. 7
7.in-ugaar ladilo
8. in-naag uunikaasado naftiisa ama qof kale
unikaaxiyo iyo in xataa Loowakiisho
nikaaxeeda waana ijmaac arikaasu Hadduu
sameeyo
nikaaxaasna.maguntamaayo,’laakin
xajkuna,ugafasahaadimaayo,laakiin xajka
waxaa fasahaadinaayo xaaska oolootago
inta aan lagaarin taxalulul awal waxaana
kuwaajibaayo fidyo oo ah neef geel ah
43
43
ama neef lo,ah ama todoba neef oo ari ah
iyo inoow sii wado Xajki asagoo fasaaday
iyo inoow sanadka danbe soo qaleeyo
xataa haduu kii hore suno ahaay,laakiin
naagta loo tagay waxba kuma waajibin
jimaaci dartii
9. in-haweentiisa uu utago
10 inuu taa-taabto haweentiisa si shahwo ah
Intaa wax kamid ah haduu sameeyo
xaajigu waxaa ku waa jibaayo fidyo oo ah
inuu dhiig baxsho haduusan awoodinna uu
soomo laakiin haweenta oo loo tago
asagoon helin taxalulu saani xajka ayaa ku
burayo waxaana udaliil ah aayada 197 aad
ee suuratul baqara uu allakuyiri rafas
maya fisqi maya doodna maya waana
khabar bimacnaa nahyi ah waxaana ku
waajib noqeyso inuu sii wado xajki asigoo
buray iyo sanadka xigo inuu soo xajiyo
waxaana udaliil ah aayada 196 aad ee
suuratul baqara uu allakuyiri xajka
&cimrada taamyeela lamana kala saarin
xajka saxiixa ah &xajka faasidka ah waana
amar nala duldhigay cimraduna waxay
44
44
kuburee haddii uu,u tago xaaskiisa asgaoo
aan dhameyn acmaashii cimrada
Xusuus:Laakiin haweenta loogutag ayada
xajka dhexdiisa dhiig,ineey bixiso kuma
waajibin (baajuuri nanbar 335)
Xusuus: Qofkii waagu uguberyo maalinka
tobanaad asigoon tagin carafo xaj uma jiryo
waxaana ku waajibayo inoow acmaasha
cumrada la yimaado sanadka danbana uu soo
qalleeyo xajki katagay waxaana kale oo
kuwaajibaayo neef ari ah inuu goowraco:
ٌحذ٠ث اٌححُّ ػشفخ أٞ ُِؼْظَُُّٗ
Xusuus, Haddii qof xaj ama cimro xarman
lashiro lamanciyo (loodiido) inuu siiwato
acmaashiisa haddii uu helikaro wadokale
waxaakuwaajiba inuu wadadaas kale qaado
haddii kale waxaa ubanaan inuu iska taxalusho
kadibna waxaa ubanaan waxyaalihii ixraamka
dartii uga xaaraan ahaay kadibna wuxuu
goowracayaa neef ari ah wuxuuna ku
goowracayaa meeshi lagu shiray (lagucelshay)
wuxuuna siinayaa masaakiinta xaramka joogto
haddii uusan heli karina wuu soomayaa sida
45
45
kucad aayada 196 aad ee suuratul baqara
wuuna xalaal noqday oo waxyaalihii ixraamka
dartii uga xaaraan ahaay ayaa ubanaan sida
dharka oow iska badelo barafuun ama wax
carfaayo uu marsado haweentiisa uu utago
I.w.m
Su,aal
Haduu ixraamki ka xalloolnoqdo xajkii laga
shirana uu ahaay waajib masoo qaleeynayaa?
Jawaab Imaamu shaafici laba qool ayuu
kuleeyahay kan raajixa ahna waa in lasoo
qaleeynayo Imaamu abuuxaniifa yo Imaamu
maalik iyo Imaamu axmad waxeey dhaheen
lama soo qaleeynayo
زحوت األهت فً إختالف األئوت 112
XUSUUS.BAADIDA,XARAMKALAGAHELO qofna u
ma banaano ineey milkiso bal waa inaad
geeyso meelaha loogutalagalay oo dowladu
udiyaarisay in laga baafiyo xusuussidoo kale
mabanaano in ladilo ugaarta xaramka joogto
ha ahaato qooleey ama ugaar kale qofki dilana
waxaa ku waajib ah ineey bixiso neef u, eg,
ugaarki oowdily, sida kucad aayada 95aad ee
suuratul maa,ida:
46
46
Hadii uusan laheeyn ugaarki ladilay:neef ueg
suurada (xagga muuqaalka) xoolahawuxuu
bixinayaa raajin laeg qiimihi ugaarki uu dilay
ama wuu soomayaa soom laeg raashinki uubixi
waayay inta koonbo uunuqday
sidookale mabanaano inlagooyo geedaha
xaramka
Xusuus Qofki asigoo xaj xarman dhinto waa
ladhaqayaa waana lagu dukanayaa waana
lakafaninayaa waana laduugayaa laakiin
madaxa lagama daboolayo haduu ninyahy
haween haduu yahayna wajiga lagama
daboolayo waxaana udaliil ah xadiiska
bukhaari &muslim ay warinayaan oo ahaa in
nin muxrim ah ratigiisi uusaaraay uu riday
dabadeedna uudhintay dabadeedna rasuulku
C.S.W. uuyiri madixiisa hadaboolina udugna
hamarina waxaa lasoosaarayaa Qiyaamaha
asigoo Talbiyeeysanaayee
Xusuus
Xaajiga waxaa loo suneeyaa inuu cabo biyaha
Zamzamka, waxaana sunno ah in isagoo
taagan cabo iyo inuu ka dhergo iyo inuu
47
47
niyaysto wuxuu jecelyahay oo kheyr ah
adduun iyo aakhiraba
Cimro
Xusuus : Cimrada Sanadka oo dhan waa
Lacimreeysan karaa
ARKAANTA CIMRADU WAA AFAR
1. Xarmasho, soomaalidu waxay ka soo
xarmanee YALAMLAM
2. Dhawaaful cimro
3. xiirasho ama gaabsasho
4.sacyi
Haddi niyadalagu darana waa shan waana
arkaanti xajka aan ka eheeyn wuquufka carafe
oo cimradu waxeey ku egtahay markuu
xarmado uuna xirto cimrada dawaafana
dawaaful cimro
sacyinalayimaado,.xalqi(xiirasho.amagaabsash
o uusameeyo halkaas ayeey ku
egtahay,cimradu
SHURUUDAHA SACYIGA:
Waa in uu kabilaabo Safo kuna dhameeyo
Marwo, waxaana daliil,u ah, inuu kabilaabayo
48
48
Safo, xadiiska rasuuku (S.C.S) uu ku yiri,
kabilaaba mida uu ALLE kabilaabay, oow, u
lajeeday, safa, sida kucad, aayada ku jirta
suuratul Baqara oo Lanbakeeduy 158 aad
waana inuu ordo xaajigu todobo mar inta u
dhaxeyso safa iyo marwo
ذىابُلَ هن الصفا الى الوسًة شٌطٌ ًعٌدُكَ هن
الوسًة الى الصفا شٌطٌ آحس
markuu safo katago uuna tago marwo hal mar
ayuu xisaabsanayaa markuu ka soo noqdo
marwo uuna yimaado safo, iyadana markale
ayuu ka xisaabsanayaa laakiin dawaafka waxaa
la xisaabiyaa markasto oo aad timaado
calaamada Cagaaran meesha ku aadan oo
muqato oo ku aadan xajarul-aswadka oo xaga
tirada waxaa sahlan sacyiga
Dawaaful cimro oo arkaanta cimrada kamid ah
haddii lagatago cimradu ansaxeeyo ilaa
uukalayimaado
XAJKA DUCOOYINKA أدػـــ١ـــــــــخ اٌحــــــــحٚإرا سأٜ اٌج١ذ سفغ ٠ذ٠ٚ ٗ٠مٛي: “اٌٍُٙ صد ٘زا اٌج١ذ رشش٠فبً
ٚرىش٠ّبً ٚرؼظ١ّبً ِٚٙبثخً، ٚصد ِٓ ششّفٗ ٚػظّّٗ ِّٓ حدٗ
ٚاػزّشٖ رشش٠فبً ٚرىش٠ّبً ٚرؼظ١ّب ٚثشاً، اٌٍُٙ أٔذ اٌغالَ ِٕٚه
اٌغالَ فح١ٕب سثٕب ثبٌغالَ” ٚ٠ذػٛ ثّب أحتّ ِٓ اٌذ٠ٓ
49
49
ٚاٌذٔ١ب.ٚ٠مٛي فٟ طٛافٗ ػٕذ اٌج١ذ: “اٌٍُٙ إْ ٘زا اٌج١ذ ث١زه،
ٚاٌحشَ حشِه، ٚاألِٓ إِٔه، ٚ٘زا ِمبَ اٌؼبئز ثه ِٓ إٌبس”.
ٚ٠ُغّٓ أْ ٠مٛي أٚي طٛافٗ: “ثغُ اهلل ٚاهلل أوجش، اٌٍُٙ إ٠ّبٔبً ثه
ٚرصذ٠مبً ثىزبثه، ٚٚفبءً ثؼٙذن، ٚارجبػبً ٌغٕخ ٔج١ه ِحّذ صٍٝ
اهلل ػٍ١ٚ ٗعٍُ”.
ٚ٠مٛي ث١ ٓاٌ١ّبٔ١١” :ٓاٌٍُٙ آرٕب فٟ اٌذٔ١ب حغٕخ ٚفٟ ا٢خشح
حغٕخ ٚلٕب ػزاة إٌبس”. فئرا ٚصً إٌٝ اٌشوٓ اٌزٞ ػٕذ فزحخ
اٌحِدْشِ ٠مٛي: “اٌٍُٙ إٟٔ أػٛر ثه ِٓ اٌشه ٚاٌشش ٚاٌشمبق
ٚإٌفبق ٚعٛء األخالق ٚعٛء إٌّمٍت فٟ اٌّبي ٚاألً٘
ٚاٌٌٛذ”.ٚ٠مٛي لجبٌخ اٌّ١ضاة: “اٌٍُٙ أظٍٕٟ فٟ ظٍه ٠ َٛال ظًَّ
إال ظٍُّهَ، ٚأعمٕٟ ثىأط ٔج١ه ِحّذ صٍٝ اهلل ػٍ١ٚ ٗعٍُ ِششثب
ٕ٘١ئب ال أظّأ ثؼذٖ أثذاً”.
ٚ٠مٛي ث١ ٓاٌشوٓ اٌثبٌث ٚاٌ١ّبٟٔ: “اٌٍَُّٙ اخؼٍٗ حدبً ِجشٚساً
ٚعؼ١بً ٚػّال ِمجٛال ٚردبسح ٌٓ رجٛس ٠ب ػض٠ضُ ٠ب غفٛسُ”.
ٚ٠مٛي فٟ سٍِٗ أٞ فٟ اٌثالثخ األٌٚٝ: “اٌٍُٙ اخؼٍٗ حدبً
ِجشٚساً ٚعؼ١ب ِشىٛساً ٚرٔجب ِغفٛسا”.
ٚ٠مٛي فٟ األسثؼخ اٌجبل١خ: “سة اغفشْ ٚاسحُْ ٚاػفُ ػّب رؼٍُُ
إٔه أٔذَ األػضُّ ٚاألوْشََُ، سثٕب آرٕب فٟ اٌذٔ١ب حغٕخ ٚفٟ ا٢خشح
حغٕخ ٚلٕب ػزاة إٌبس”
50
50
Ziyaarada,QabrigaRasuulka (C.S.W)
Xaajiga waxaa loo suneeyaa markuu guto
acmaasha xajka amaba ka horba inuu soo
Ziyaarto Qabriga Rasuulka (C.S.W).
Xusuus:Ziyaarada qabriga Rasuulka (C.S.W.)
kama mid aha Xajka balse waa Shey Sunno ah.
Qabriga Rasuulka (C.S.W) wuxuu ku yaallaa
Madiina, Xajkana waxaa lagu gutaa Mako.
Aadaabta Ziyaarta waa: Inuu yiraahdo
Assalaamu caleyka yaa rasuula-laahi (C.S.W),
codkiisa kor uma qaado, oo wuxuu
edebsanayaa sida Rasuulka oo nool oo kale.
Kadib, midigta ayuu u baxayaa qaddar hal
dhudhun ah, wuxuuna salaamayaa Sayid
Abuubakar (R.C), kadibna, dib ayuu u baxayaa
qaddar hal dhudhun ah, wuxuuna salaamayaa
Sayid Cumar (R.C).
Waxaa kale oo loo sunneeyaa xaajiga inuu soo
ziyaarto qabuuraha Baqiic oo Asxaab badan ay
ku duuganyihiin, wuxuu kaloo soo
ziyaaranayaa Masjidka Quba, waxaa kaloo
sunno ah inuu tago Ceel Ariis uuna ka cabo
51
51
biyo kana weyso qaato, waxaa kaloo haboon
inuu salaadaha ku dukado masjidka Nabiga (C.S.W).
52
52
رحــز٠ـــش DIGNIIN
Xaajiga haka digtoonaado inuu dawaafo
qabriga rasuulka, waxaa kaloo reeban inuu ku
dukado xijrada ama Qolka Rasuulka ku
duuganyahay asigoo ula jeedo
weyneyn.Waxaa kaloo reeban, in Xaajiga
dhabarkiisa ku tiirsho derbiga Qabriga, waxaa
kaloo reeban, inuu masaxdo qabriga, sidoo
kale, waxaa reeban inuu dhunkado, balse,
aadaabtu waxay tahay inuu ka fogaado qabriga
uuna u jirsado intii asxaabtu u jiri jirtay markuu
noolaa.Waxaa kaloo loo suneeyaa xaajiga
haddii uu safraayo inuu masjidka ku sagootiyo
labo rakaco oo sunno ah. Sidoo kale, waxaa loo
suneeyaa inuu qabriga mar labaad tago uuna
la yimaado salaantii oo kale, wuxuuna
dhahayaa “Ilaahayow haka dhigin
ziyaaradeyda oo tan ah tii ugu danbeysay oo
aan soo ziyaarto qabriga Rasuulk, Ilaahayow ii
celi wadankeyga anoo nabad qaba”.
XAJKA DUCOOYINKA أدػـــ١ـــــــــخ اٌحــــــــحٚإرا سأٜ اٌج١ذ سفغ ٠ذ٠ٚ ٗ٠مٛي: “اٌٍُٙ صد ٘زا اٌج١ذ رشش٠فبً
ٚرىش٠ّبً ٚرؼظ١ّبً ِٚٙبثخً، ٚصد ِٓ ششّفٗ ٚػظّّٗ ِّٓ حدٗ
53
53
ٚاػزّشٖ رشش٠فبً ٚرىش٠ّبً ٚرؼظ١ّب ٚثشاً، اٌٍُٙ أٔذ اٌغالَ ِٕٚه
اٌغالَ فح١ٕب سثٕب ثبٌغالَ” ٚ٠ذػٛ ثّب أحتّ ِٓ اٌذ٠ٓ
ٚاٌذٔ١ب.ٚ٠مٛي فٟ طٛافٗ ػٕذ اٌج١ذ: “اٌٍُٙ إْ ٘زا اٌج١ذ ث١زه،
ٚاٌحشَ حشِه، ٚاألِٓ إِٔه، ٚ٘زا ِمبَ اٌؼبئز ثه ِٓ إٌبس”.
ٚ٠ُغّٓ أْ ٠مٛي أٚي طٛافٗ: “ثغُ اهلل ٚاهلل أوجش، اٌٍُٙ إ٠ّبٔبً ثه
ٚرصذ٠مبً ثىزبثه، ٚٚفبءً ثؼٙذن، ٚارجبػبً ٌغٕخ ٔج١ه ِحّذ صٍٝ
اهلل ػٍ١ٚ ٗعٍُ”.
ٚ٠مٛي ث١ ٓاٌ١ّبٔ١١” :ٓاٌٍُٙ آرٕب فٟ اٌذٔ١ب حغٕخ ٚفٟ ا٢خشح
حغٕخ ٚلٕب ػزاة إٌبس”. فئرا ٚصً إٌٝ اٌشوٓ اٌزٞ ػٕذ فزحخ
اٌحِدْشِ ٠مٛي: “اٌٍُٙ إٟٔ أػٛر ثه ِٓ اٌشه ٚاٌشش ٚاٌشمبق
ٚإٌفبق ٚعٛء األخالق ٚعٛء إٌّمٍت فٟ اٌّبي ٚاألً٘
ٚاٌٌٛذ”.ٚ٠مٛي لجبٌخ اٌّ١ضاة: “اٌٍُٙ أظٍٕٟ فٟ ظٍه ٠ َٛال ظًَّ
إال ظٍُّهَ، ٚأعمٕٟ ثىأط ٔج١ه ِحّذ صٍٝ اهلل ػٍ١ٚ ٗعٍُ ِششثب
ٕ٘١ئب ال أظّأ ثؼذٖ أثذاً”.
ٚ٠مٛي ث١ ٓاٌشوٓ اٌثبٌث ٚاٌ١ّبٟٔ: “اٌٍَُّٙ اخؼٍٗ حدبً ِجشٚساً
ٚعؼ١بً ٚػّال ِمجٛال ٚردبسح ٌٓ رجٛس ٠ب ػض٠ضُ ٠ب غفٛسُ”.
ٚ٠مٛي فٟ سٍِٗ أٞ فٟ اٌثالثخ األٌٚٝ: “اٌٍُٙ اخؼٍٗ حدبً
ِجشٚساً ٚعؼ١ب ِشىٛساً ٚرٔجب ِغفٛسا”.
ٚ٠مٛي فٟ األسثؼخ اٌجبل١خ: “سة اغفشْ ٚاسحُْ ٚاػفُ ػّب رؼٍُُ
إٔه أٔذَ األػضُّ ٚاألوْشََُ، سثٕب آرٕب فٟ اٌذٔ١ب حغٕخ ٚفٟ ا٢خشح
حغٕخ ٚلٕب ػزاة إٌبس”
54
54
دعاء ٌٌم عسفت: carafo yoomka ducada
ٚفٟ اٌحذ٠ث )خ١شُ اٌذػبء دػبءُ ٠ َِٛػشفخَ، ٚخ١شُ ِبلٍذُ أٔب
ٚإٌج١ ِٓ ْٛلجٍٟ ” الإٌٗ إال اهلل ٚحذٖ ال شش٠ه ٌٗ ٌٗ اٌٍّه ٌٚٗ
اٌحّذ ٚ٘ٛ ػٍٝ وً شٟء لذ٠ش”.سثٕب آرٕب فٟ اٌذٔ١ب حغٕخ ٚفٟ
ا٢خشح حغٕخ ٚلٕب ػزاة إٌبس. اٌٍُٙ إٟٔ ظٍّذُ ٔفغٟ ظٍّبً
وث١شاً ٚال ٠غفش اٌزٔٛة إال أٔذ فبغفش ٌٟ ِغفشح ِٓ ػٕذ
ٚاسحّٕٟ إٔه أٔذ اٌغفٛس اٌشح١ .ُاٌٍَُّٙ أمٍٕٟ ِٓ ريّ اٌّؼص١خ
إٌٝ ػضّح اٌطبػخ، ٚاوفٕٟ ػٓ حشاِه، ٚاغٕٕٟ ثفضٍه ػّٓ
عٛان، ّٚٔٛس لٍجٟ ٚلجشٞ، ٚا٘ذٟٔ ٚأػزٟٔ ِٓ اٌششّ وٍٗ،
ٚاخّغ ٌٟ اٌخ١ش.
اٌٍُٙ إٟٔ أعأٌه اٌُٙذَْٜ ٚاٌزُّمَْٝ ٚاٌؼَفَبفَ ٚاٌغَِْٕٝ”.
ٚ٠ٕجغٟ أْ ٠غزغفش ٌٍّؤِٕ١ٚ ٓاٌّؤِٕبد فٟ دػبئٗ فٟ ٠َٛ
ػشفخ، ٚ٠ىثش اٌجىبء، ألْ ٕ٘بن رغىت اٌؼجشاد، ٚرمبي
اٌؼثشاد.
دػبء اٌصفب إرا سلب٘ب ٠مٛي “اهلل أوجش، اهلل أوجش، اهلل أوجش ٚهلل
اٌحّذ، اهلل أوجش ػٍٝ ِب ٘ذأب ٚاٌحّذ هلل ػٍٝ ِب أٚالٔب ال إٌٗ إال
اهلل ٚحذٖ ال شش٠ه ٌٗ، ٌٗ اٌٍّه ٌٚٗ اٌحّذ ٠ح١ٟ ٚ٠ّ١ذ ٚ٘ٛ
ػٍٝ وً شٟءٍ لذ٠ش، ال إٌٗ إال اهلل ٚحذٖ صذق ٚػذٖ ٚٔصش
ػجذٖ ٚأػض خٕذٖ ٚ٘ضَ األحضاة ٚحذٖ ، ال إٌٗ إال اهلل اهلل أوجش
ٚال ٔؼجذ إال إ٠بٖ ِخٍص١ ٌٗ ٓاٌذ٠ٌٛٚ ٓوشٖ اٌىبفشْٚ ، ثُ ٠ذػٛ
ثّب شبء ِٓ خ١شٞ اٌذٔ١ب ٚا٢خشح.رٕج١ٚ:ٗال ٠مجًّ ش١ئبً ِٓ اٌج١ذ
إال اٌحدش األعٛد، ٚال ٠غزٍُ ش١ئبً إال اٌ١ّبٟٔ
55
55
ٚص١ــخ DARDAARAN
Qofkasto oo hesho nusqo kamid ah
risaaladaan waxaan ka codsanaa in ay ii soo
duceyso markay tagto amaakiinta fadliga
badan leh iyo in ay sii badiso risaaladaan si ay
xujayda sanad kasto uga faa’iidaysato.
Waxaa Diyaariyay: Sh.Ibraahiim Max’ud Jiisoo
w (sh. Jiisoow)tell:615591213
تألٍف الشٍخ إبساىٍن هحوٌد جٍْسٌَالصٌهالً الوقدشً
حمٛق اٌطجغ ِحفٛظخ ٌٍّؤٌِّف
Daabacaaddii 1-aad April 2006
ًهن هؤلّفاث الشٍخ جٍسٌ
1)ػٍَٛ اٌمشآْ
2 )إػبٔخ اٌُّجْزَذِئ١ٌ ٓؼٍُ اٌفشائط
3 )اٌّؼزّذ ٌمبػذح اٌصّشف١خ فٟ الِ١خ األفؼبي ٌدّبي اٌذّ٠ٓ
56
56
4 )اٌّؼزّذ إلػشاة أِثٍخ األخْشُِٚ١خ طجؼخ األٌٚٝ
5 )اٌّؼزّذ إلػشاة أِثٍخ األخْشُِٚ١خ طجؼخ اٌثبٔ١خ
6 )اٌّؼزّذ إلػشاة ِزٓ األخشِٚ١خ
7 )خُطْجَخُ اٌدُّْؼَخِ ارٍفِمِْٙ١ِخِ
8 )سعبٌخ اٌصّالح
9 )سعبٌخ اٌضّوبح
15 )سعبٌخ اٌصَّٛ
11 )سعبٌخ اٌححّ ٚاٌؼّشح
12 )دٌ١ ًاٌححّ ٚاٌؼّشح ثبٌٍّغخ اٌصِّٛبي
shjiisoow@gmail.com
tel: 0615591213