Home Afsomali Dhageyso Raiisal wasaarihii hore ee Cumar Cabdirashiid oo khalad ku tilmaamay dhiibidii...

Dhageyso Raiisal wasaarihii hore ee Cumar Cabdirashiid oo khalad ku tilmaamay dhiibidii Qalbidhagax

 

Ra’iisul-wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa beeniyay in dowladdii hore ee uu ra’iisul-wasaaraha ahaa ay Ethiopia la gashay heshiis ay labada dal isku weydaarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin.

Sharmaake ayaa sheegay in heshiiska ay golaha wasiirrada xukuumadda Kheyre ay u cuskadeen dhiibistii Cabdikarin Muuse Qalbi-dhagax uu kaliya ahaa heshiis dhexmaray Dowladda deeggaanka Soomaalida Ethiopia iyo maamulka Galmudug oo xuduudda labada dal colaadi ku dhexmartay.

Isaga oo sii hadlayay ayaa dhanka kale waxa uu khalad weyn ku tilmaamay in Cabdikariim Qalbi-Dhagax oo uu sheegay inuu yahay muwaadin Soomaali ah loo gacan galiyo Ethiopia.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.