Gudiga Doorashooyinka ee loo xilsaaray miisaaniyada iyo Qarashaadka ku Baxaya xiliga doorashada ayaa leexsaday lacago laga qaaday 8 da Musharax ee u tartameysay jagada madaxweynenimo uu maamulka hirshabelle ka dib markii xildhibaanada maamulkaasi ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble oo ilaa iyo haatan diidan in cid kale madaxweyne ka tahay xirshabelle isaga mooyee .

musharaxiinta ayaa horey looga qaaday midkiiba 10,000 kun oo sharuud ahaan looga dhigay cid kasta oo sharaxan in ay bixiso balse nasiib daro lacagtaasi waxay gashay jeebka Gudiga oo si aan sharci aheyn ku leexsaday .
muran iyo qalaase badan ayaa ka taagan magaalada Jowhar waxayna gudigu qaarkood ka caroodeen lacagta ku maqan qaarkood oo xitaan aan taleephonka ka qabaneyn sida afhayeenka gudiga cabdiweli oo isagu Afka u dhigtay lacagta inteeda badan

gudoomiyaha gudiga ayaa sheegay in uu dhowr jeer qadka taleephonka ka wacay afhayeenka gudiga balse nambarkiisa la qaban waayey taasina uu sheegay in ay meesha ka baxday kalsoonidii uu u qabay in gudigu u shaqeeyo si xalaal ah
xildhibaanada qaarkood ayaa arinta ka carooday waxayna balan qaadeen in ay si deg deg ah arinta u faragalin doonaan iyaga oo xusay in ay aad uga xun yihiin in shaqsiyaad ay dhacaan lacagtii gudiga doorashooyinka hirshabelle lagu aaminay taasi oo loogu talagalay in lagu socodsiiyo howlo badan oo gudiga horyaal .
gudiga doorashooyinka hirshabelle ayaa horey cabooyin kaga imanayeen bulshada maamukaasi waxaana dhacday in ay marar badan is hortag ku sameeyaan arimaha xasaasiga ah ee mushafaxiinta sida koronto damin jid gooyo iyo iyada oo qaab dalaalnimo u adeegsada xilka loo magacaabay xiliyada doorashada iyo marka uu socdo Mooshin ,waxaana Madaxweynaha la doortay Xili ay nalka iyo Korontada damiyeen oo la isku dhexyaacay

isku soo wada duuboo ma jirto wax isku kalsoonaan ah oo ka dhaxeeya xubnaha gudiga doorashooyinka maamulka hiirshabele iyo masuuliyiinta maamukaasi ka dib dhicii lacagtii laga qaaday musharaxiintii u tartameysay doorashadii ka dhacaday magaalada Jowhar ee Xaruntq Maamulka Hirshabele.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view