Home Afsomali Masuul taageeray Dowlad goboleedka Hiiraanland oo xilka qaadis lagu sameeyey iyo isqabqabsi...

Masuul taageeray Dowlad goboleedka Hiiraanland oo xilka qaadis lagu sameeyey iyo isqabqabsi ka taagan Hirshabelle

Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Xilka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in xilkaasi loo magacaabay Cali Jeyte Cismaan oo horey xilkan u soo qabtay.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cumar Aadan Ibraahim ayaa  si weyn ugu taageeray Cali C/laahi Cosoble diidmadii uu diiday in xilka Madaxweyne laga qaaday, waxaana uu Cumar Aadan taageeray maamul dhowaan loogaga dhowaaqay magaalada Beledweyne oo ahaa Dowlad goboleedka Hiiraanland.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.