Home Afsomali Dhageyso Xaaf ma jiraan cid Xil iga qaaday Golena ma fadhiisan waa...

Dhageyso Xaaf ma jiraan cid Xil iga qaaday Golena ma fadhiisan waa fowdo ay wado cida sheegtay

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle (Xaaf) ayaa ka hadlay isla markaana beeniyey  talaabadii xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug ay sheegeen in ay xilkii kaga qaadeen isaga.

Wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin wararkaasi, oo ay yihiin kuwo been abuur ah.

Dhanka kale Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in arintan laga soo diyaariyay magaalada Muqdisho ayna wadaan dad dano gaar ah ka leh burburinta maamulka Galmudug..

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka (Carabey) ay yihiin xabsi guri, kuna baaqeen in arrintan wax laga qabto.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha maamulka Galmudug  Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) uu tageeray xulufada Sacuudiga, taasina ay ka soo horjeesteen Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, halkaasina ay ka bilaabatay xiisada.

Hoos ka dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.