Wasiirka Waasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa soo bandhigay Natiijada baaritaankii Saraakiisha Booliska ay ku hayeen dhacdadii Axadii la soo dhaafay ka dhacday degmada Xamar weyne, kaasoo kooxo hubeysan oo watay gaari ay dad shacab ah Risaas ku laayeen .
Wasiirka Amniga ayaa sheegay baaritaanka kiiskan ay iska kaashadeen Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska, isagoo xusay in baaritaan uu ku socdo gaari looga shakisan yahay inuu yahay kii falka dilka ah lagu fuliyey
Wasiir Ducaale ayaa sheegay in xabsiga la dhigay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida degmada Xamar weyne oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo in ay dayaceen Howshii loo igmaday .
Qasaarooyinka ka dhashay qaraxyada iyo Dilalka dalka ka dhacay ayaa haatan wixii ka danbeya ay ku soo kordheysaa Xarig iyo xilka qaadis.
Waxaa kale oo uu sheegay in xabsiga ay kujiraan iminka 12-askari oo xiliga falka uu dhacayey ka howlgalayey degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.