Home Afsomali Dhageyso Gudoomiye ku xigeenkii labaad ee Maamulka Galmudug State sida ay ula...

Dhageyso Gudoomiye ku xigeenkii labaad ee Maamulka Galmudug State sida ay ula dhaqmeen ciidanka maamulkaasi oo weeraray

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug,ayaa Caawa waxa ay ku soo waramayaan in Goordhaw Guddoomiye ku Xigeenki Labaad ee Baarlamaanka Galmudug,ay Rasaasyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada Madaxtooyada Maamulka Galmudug.

Guddoomiye ku Xigeenka labaad ayaa sida aan Wararka aan ku helnay,la sheegay Xili uu Doonayay in uu ka baxo Madaxtooyada Galmudug,ay Rasaaseyeen Ciidamada Illalada Madaxtooyada Galmudug,waxana ilaa iyo hada aan si rasmi ah aan loo ogeen Khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.

Dhanka kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Waxay Cadaado ka sheegeen in Madaxwaynihii Galmudug Mr.Xaad uu xabsi guri ka dhigay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulkaasi

Madaxweynihii xilka ay ka qadeen qaar ka mid ah xildhibanada galmudug ayaa la sheegay inuu go’aan ku soo saaray in xabsi guri lagu hayo cid kasta oo isaga ka soo horjeeda amarkiisa ama tageerta xilka qaadis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.