Home Afsomali Dhageyso Ciidamada Xasilinta oo gacanta ku dhigay Gaari laga dishay Mid ka...

Dhageyso Ciidamada Xasilinta oo gacanta ku dhigay Gaari laga dishay Mid ka mid ah Ergadii xildhibaanada soo dooratay

Howlgal ay ka sameeyeen Duleedka Magaalada Muqdisho Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho ayey ku soo qab qabteen Tiro dad ah iyo Gaari uu lahaa Marxuum  Cabdi Nuunow oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay Degaanada Koofur galbeed oo Habeen hore lagu dilay Tabeelaha Sheekh Ibraahim Ee Degmada Deyniile.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Ammaanka ayaa Saxaafada  u sheegay in Ciidanka Xasilinta Caasimadda ay qabteen Gaariga Marxuunka la dilay oo ahaa Spacio islamarkaana Habeen hore ay horay u wateen Dableydii Dishay Cabdi Nuunow oo sidoo kalena ahaa Guddoomiye Xero ay dagan yihiin Barakacayaal oo ku taalla Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Laamaha Ammaanka weli ma sheegin in ay Gacanta ku dhigeen iyo in kale Dadkii ka dambeeyay Dilka Marxuunka lagu Magacaabi jiray Cabdi Nuunow oo lagu dilay Habeen hore Tabeelaha Sheekh Ibraahim Ee Duleedka Magaalada Muqdishio.

Halkaan Codka ka  dhageyso 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.