Home Afsomali Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacay Awdheegle iyo Dhaawacyo Muqdisho la geeyey

Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacay Awdheegle iyo Dhaawacyo Muqdisho la geeyey

Xalay Saqdii dhexe diyaaraddo dagaal ayaa duqeyn ka geystay deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Sida ay sheegayaan wararka duqeyntaan ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka Tirsan Xarakada Al-shabaabab waxaana la xaqijiyay in duqeyntaas uu ka badbaaday wadihii gaariga oo lugahiisa ku baxsaday.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen 4-ruux oo shacab ah kuwaasi oo saakay la keenay dhaawacyadooda isbitaaladda Magaaladda Muqdisho.

Ila haatan si dhab ah looma oga saraakiisha Xarakada Al-shabaab ee lagu beegsday duqeyntii xalay ka dhacday degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose oo kamid ah goobaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahnada Al-shabaab.

Duqeyntaan ayaa kusoo beegmaysa xili 14-kii bishaan weerar ismiidaamin ahaa uu ku dhacay isgoyska zoobe ee Magaladda Muqdisho kaasi oo ay ku dhinteen In ka badan 300-ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.