Home Afsomali Dhageyso Maryan Aweys gaadiidka Xamuulka sida dakada kama bixi karaan inta Mashaqada...

Dhageyso Maryan Aweys gaadiidka Xamuulka sida dakada kama bixi karaan inta Mashaqada waraxa lagu guda jiro

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka badda Maryan Aweys Jaamac oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in Wasaaradda Dekedaha ay Hakisay Gaadiidka Xamuulka qaada ee ku sugan Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho si loo dar dar geliyo Gurmadka lagu samatabixinayo Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Wuxushnimada ahaa ee lagu Xasuuqay Dadka Shacabka ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Wasiir Maryan Aweys ayaa sheegtay in Sababta Dekedda loogu Xanibay Gaadiidka Xamuulka qaada ay tahay in aysan Mashquulin Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo hadda ay ka socdaan Dadaalo loogu gurmanayo Dadka Dhaawaca ah iyo Baadi-goobka dadka la la yahay intaba.

Warar kale ayaa sheegaya in Wasaaradda Dekedaha Xukumadda Soomaaliya ay waddo Qorshe Gaadiidka Xamuulka ah looga Mamnuucayo Wadooinka Magaalada Muqdisho in ay Isticmaalaan Maalinkii oo dhan,Maadaama Mashquulka wadooyinka Muqdisho uu yahay mid aad u Mashquul badan,taas badalkeedana Habeenkii Magaalada ay Isticmaali doonaan,waxaana Arrintaan ay timid ka dib markii Gaari TM ah oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa lagu Xasuuqay dadkii Shacabka ahaa ee ku sugnaa Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.