Wasiirka maaliyada xukuumada ee somaliya iyo safiirka dalalka midowga yurub ee somaliya u fadhiya ayaa si wada jir ah u gaaray goobtii uu ka dhacay masiibada dadka badani ku waxyeeloobeen Wasiir cabdiraxmaan ducaale beyle iyo safirika midowga yurub Veronique Lorenzo ayaa saxaafada kula hadlay goobta oo uu ka socday howlo lagu dayactirayo wadada oo uu ka muuqday burbur lixaad leh
Wasirka Maaliyada Xukuumada Somaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo wax laga weydiiyey qasaaraha maaliyadeed iyo nafeed ee masiibada ka dhashay ayaa sheegay in aan la qayaasi karin welina uu socdo baaritaano lagu ogaanayo inta ay ka egyihiin wixii dhacay
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo oo halkaasi hadal kooban ka jeedisay ayaa sharaxaad ka bixisay sababata joogitaanka goobta masiibadu ka dhacay waxayna sheegtay in ay marka hore muragada ay la qeybsato dadkii Soomaaliyeed ee lagu qarxiyayIsgoyska Zoobe.
“Aad ayaan uga xumahay musiibadii zoobe ka dhacday taasi oo gil gishay dhamaan qalbiyadooda dadka dunida ku nool iskabadaay soomalida qalbiyadooda,arintaasi waxey aheyd arin wuxuushnimo ah ficilkii argagaxnimada ahaa ee 14 bishaan octoober dhacday,inagoo arintaasi ka duuleyna waxaan ugu deeqnay hadaan midawga yurub nahay gudiga gurmadka lacag dhan 100,0000 Euro, taasi oo aaan ku dooneyno in lagu dabiibo dadkii wax ay ku gaartay qaraxii zoobe ka dhacay,dowladda soomaliya waxaan ka dalbaneynaa inay dadka ficilkaasi geystay inay soo qabato islamarkaana cadaalada horgeyso si looga gudo ficilkii wuxuushmimada ahaaa ee dhacay islamarkaana lagu waboojiyo dadkii waxyeeladu gaartay walbiyadooda.” Sidaasi Waxaa Sheegtay Safiirka Midowga yurub ee fadhisa Dalka Soomaaliya.
Waxay kaloo sheegtay in Midowga Yurub uu mudo badan soo garab taagnaa Soomaaliya hadana uu sii wadi doono, waxayna ugu danbeytii Shaacisay in dhaqaale ahaan Midowga Yurub uu bixin doono qalab caafimaad, dawooyin iyo 100 kun oo EURO oo uu uga qeyb qadanayo gurmadka socda.