Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad loo xiray Qaraxii 14-kii Bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Hay’addaha Amniga ay hayaan xog ku saabsan Qaraxii Zoobe, islamarkaana dhawaan ay soo bandhigi doonaan.
Islow ayaa la xaqiijiyay in xubno lagu tuhmaayo Qaraxaasi ay ku jiraan gacanta Hay’addaha Ammaanka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in wali ay socdaan baaritaanada Qaraxii ay dadka badani ku dhinteen ee Zoobe.
Sidoo kale Wasiirka waxaa uu qiray inay wali socdaan baaritaanada ku saabsanqaraxii dadka badan ku dhinteen.
Hey’addaha ammaanka ayaa wajahaya dhaliilo ku aadan qaraxaas iyo gaadiidkii weynaa sida ay ugu suura gashay inuu magaalada soo galo, isla markaana soo dhaafo koontaroolo ciidamada ammaanka ku sugnaayeen.
Hase ahaatee warar ayaa sheegaya in gaariga qaraxa fuliyay markii uu magaalada uu soo galayay uu damiintay nin ka shaqeeya shirkadaha ku yaala magaalada Muqdisho, ninkaas oo iyo rag kale ayaa u xiran falkaas.