Home Afsomali Madaxweynaha Madaxweynayaasha Soomaaliya oo shir wada tashi ah iskuugu yeeray madaxweynayaasha maamul...

Madaxweynaha Madaxweynayaasha Soomaaliya oo shir wada tashi ah iskuugu yeeray madaxweynayaasha maamul Goboleydyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.

Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran. Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadaan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta dalka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.

-DHAMMAAD-

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.