Warar anu ka helnay Degmada Xamar JaJab ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay shegayaan in Galabta Wiil yar uu ku dhacay War-biyood ku taala Xafaadda Afisyooni ee Degmada Xamar Jajab sida Dadka Degaanka ay ino shegeen.
Mid ka mid ah Dadka Degaanka oo la hadlay Danan ayaa sheegay in Galabta Saacadu marka ay ku beegneed 5:00 Wiil yar oo Da’diisa lagu sheegay 5 Jir uu ku dhacay War-biyood ku taala Xaafadda Afisyooni ee Degmada Xamar JaJab,Goob Joogaha ayaa waxa uu hadalkiisa inta uu ku daray in Wiilka yar uu ku Ciyaarayay Meel aan ka Fogeyn War-biyoodka,laakin markii uu Wareeray uu sidaas War-biyoodka uGu dhacay.
Dhanka kale Goob jooagaha ayaa hoosta ka xariiqay in ilaa iyo hadda ay Baadi goobka Wiilkaasi yar lagu jiro,islamarkaana ay Goobta ay ku sugan yihiin Ehelada Wiilka yar iyo Ciidamo ka tirsan Dowlada kuwaas oo dhammaantood ku Howlan sidii ay u soo saari lahayeen Meydka Wiilka yar ee War-biyoodka ku dhacay.
Hoos ka Dhageyso
dhanka youtubka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0