Dhalin yarada wax baratay ee ku nool Magalada Beledweyne waxaa ay cabasha ka yihiin Shaqa la,aan baahsan taas oo gabi ahaanba soo afjartay sahankii rajada noloshooda
10 kii sana ee ugu danbeeysay Waxbarashada Magaladan waa ay sii kobceysay waxaa soo badanayay Jaamacadaha iyo Machadyada Wax barashada iyadoo da,yartune ay ku dhiiradeen in ay u dareeraan goobaha Waxbarashada ,
Hase ahaatee waxaa jirta Shaqa la’aan kuwa badan oo wax baranayay waxaa ay lumiyeen kalsoonidii ay qabeyn waayo asaagood oo horay uga aflaxay jaamacadaha kala duwan ee Magalada Beledweyne noloshooda wax horumar ah oo la taaban karo kama aysan gaarin sababtune waa Shaqa la, aan asiibtay dhalinta gobalkan Gobolka Hiiraan.
Qaar kamid ah dhalinyarada Magalada ku nool oo helay Shahaadada heerka Loowaad ee Jaamacadaha Beledweyne ayaa ka sheekeyey qaarkood xaladooda iyo waxyaabaha sababay Shaqa la,aanta
Dhalinyaradu waa ay kukala ra,yi duwan yihiin waxa sababay Shaqa la, aanta ,qaarbaa aaminsan in dhalinyaradu iskala weeynyahiin Shaqooyinka qaar,
Qaar kamid ah dhalinta ayaa eedeeyn kala dul dhacay Maamuka heer Gobol iyo heer Hirshabeele in aysan wax fursad ah siinin dhalinyarada.
Hoos Ka Dhageyso cododka
dhanka kale Magaalada Beledweyn ee Xarunta gobalka Hiiraan ayaa laga diiday Isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga ah dhamaantiis waxaana laga isticmaalaa oo kaliya doolarka iyo adeegga Evc + waxayna arintaan ay saameysay qoysaska dan yarta ah.
Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ku howlan sidii ay xal ugu heli lahaayeen arintaan inkastoo ay muuqato mid aysan awoodin in ay xaliyaan.
Guddoomiye ku xigeynka Gobalka Hiiran ee Arimaha bulshada ayaa ka dalbday Ganacsatada in ay joojiyaan diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah cidii diidana talaabo laga qaadi doono.
Dadka danyarta ah ee Gobalka ku nool gaar ahaan Beledweyne ayaa kuu sheegayo in aysan heli karin lacagta Evc iyo doolarka waxayna baaq u direyn Madaxda qaranka.
Labo bilood ka hor ayaa sidaan oo kale Beledweyne looga diiday Lacagta Shilinka Soomaaliga waxaana muuqata in ilaa hadda aan xal lqga gaarin.