Home Afsomali Dhageyso Cod bixinta Doorashada Somaliland oo la soo gabagabeeyey iyo Natiijada tirinta...

Dhageyso Cod bixinta Doorashada Somaliland oo la soo gabagabeeyey iyo Natiijada tirinta Cododka oo la sugaayo

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gebi ahaan la soo gaba gabeeyay Codbixinta Doorashada oo bilaabatay 06-dii aroornimo ee maanta.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen inta ay codbixinta socotay in ay yaraayeen shilalka sababi karay in Doorashada ay saameyn ku yeelato, iyaga oo sidoo kale tilmaamay in ay codeeyeen dhammaan dadkii qaatay kaarka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somaliland C/qaadir Iimaan Warsame ayaa u mahadceliyay dhammaan shacabkii ka qeyb qaatay Doorashada, wuxuuna sheegay ka Guddi ahaan arintan in ay u tahay farxad.

Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliland waxaa sanadkan ku tartamaya 3da Xisbiee  reer somaliland  Musharaxiinta kala ah Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Soomaaliland C/raxmaan C/laahi Cirro oo u taagan xisbiga Wadani iyo Muuse Biixi Cabdi oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii Soomaaliland ee kala duwanaa, una taagan xisbiga Kulmiye ee talada haya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.