Home Afsomali Dhageyso maamulka Jubaland oo gacanta ku dhigay nin kale oo aad...

Dhageyso maamulka Jubaland oo gacanta ku dhigay nin kale oo aad loo doondoonayey lana sheegay in uu xildhibaano …….

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur ayaa sheegay in loo baahan yahay wadashaqeyn dhex martay Wasaaradaha Amniga Dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

“Nin dhacay hanti ay leeyihiin Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya ayaan gacanta ku dhignay,dib ayaa loogu celiyay Magaaladda Baydhabo, shirka amniga ee isna ka furmay Magaaladda kismaayo waa mid u muhiim ah Maamul Goboledyadda iyo dowladda Dhexe ee Soomaliya”, ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Waxa uu sheegay in taasi ay sahli karto in ay iska kaashadaan dhanka amniga iyo sidii la isugu wareejin lahaa dadka dambiyada gala.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Jubbaland ay horay u qabatay Nin dhcay Hanti ay lahaayeen xildhibaano ay suurtagashay in Jubbaland ay ka soo qabato Gudaha Kenya taasina ay ku timid WadaShaqeyn.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga.

 

 

u.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.