Maxkamadda Gobolka Banaadir oo la hor geeyay C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, kaas oo qaab Damaanad ah horey looga soo daayay Xabsiga.
Waxaana Maxkamadeynta Siyaasigaasi ee Maxkamadda G/ Banaadir goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan 2 Gole ee Baarlamaanka oo ay ku jiraan labadii xildhibaan ee Xeerilaalintu baarlamaanka ka dalbatay in xasaanada lagala Noqdo , ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka, ehelada iyo taageerayaasha cabdiraxmaan Cabdishakuur dadweyne dhaweysanayey qaabka ay dacwadu u dhaceysay ajaaniib Waxgarad kale
Dhageysiga Maxkamada oo saxaafadu diba joog ka eheyd ayaa markii danbe loo ogolaaday in ay ku dhawaaqida xukunka Joogjoogayaal ka ahaadaan
waxaana Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Aweys Sheikh Cabdulaahi ku dhawaaqay xukunka Maxkamada oo waa la sii daayey racfaana lagama qaadan karo
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame dhankiisa u mahadceliyey Maxkamada waxaana laga dheehan karay sida uu ugu faraxsan yahay xukunka maxkamadu riday wxuuna ku nuuxnuuxsadsay in la jogo waqtidii Cadaalada lagu kala bixayey