Home Afsomali Warqad ka soo Baxday Xeer ilaalinta ayaa lagu ogeysiiyey Mudeynta Dacwada loo...

Warqad ka soo Baxday Xeer ilaalinta ayaa lagu ogeysiiyey Mudeynta Dacwada loo heysto Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Xili Maxkamadii horey sheegat in aan racfaan la qaadan karin

Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir aya dib u fureysa dacwada kiiskii loo heystay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo 21,kii Bishaan ay fasaxday Maxkamada Gobolka Banaadir

War qoraal ah oo ay soo saartay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa loogu yeeray in dhageysiga dacwada loo heysto Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame  uu ka soo qeybgalo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sidoo kale waxa loo yeeray Qareenada kala ah Axmed Tahliil Xaaji, Cabdikariim Maxamed Axmed iyo Aamino Xaaji Axmed si dhageysiga dacwada Goobjoog uga noqdaan.

Maalinta Arbacada ah oo Beri ku beegan ayaa lagu balamay in dib loo furo dhageysiga dacwada loo heyso Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Hoos Ka Akhriso Warqada ka soo baxday Maxkamada Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.