Xildhibaan Sagal C/risaaq Isaaq Biixi oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka ah ee laga soo doortay deegaanada gobalka Gedo ayaa si kulul uga hadashay xad-gudubka la xiriira dhinaca xudduudaha ah ee ay dawladda Kenya ka geysanayso magaalada Baled-xaawo.
Qoraal kooban oo ay xildhibaan Sagal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in Dawladda Kenya ay musuuliyaddeeda qaadan doonto wixii dhib ah oo ka yimaado xad-gudubka ay kusoo samaysay xuduudda magaalada Baled-xaawo, isla markaana lagala xisaabtami doono.
Waxaa xildhibaanaddu ay sidoo kale sheegtay in tallaabada ay Dawladda Kenya kula kacayso shacabka magaalada Baledxaawo ay tahay mid ka hor imaanaysa xuquuqda muwaadiniinta ku dhaqan degmadaas.
Dawladda Kenya ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay darbi ka dhisaysay xadka ay la wadaagto gobalka Gedo, hase yeeshee sida la xaqiijiyay dhismaheeda gudaha usoo galisay qaybo ka mid ah magaalada Baledxaawo, taasoo sababtay inay kacaan shacabka magaalada, isla markaana dhagxaan kula diriraan ciidamada Kenya.