Home Afsomali Dhageyso ka Ganacsiga Diidiinka waa danbi cidii lagu arkana Waa Xarig

Dhageyso ka Ganacsiga Diidiinka waa danbi cidii lagu arkana Waa Xarig

Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Soomaaliya ayaa ka digtay dabargoynta lagu hayo Xayaanka Diinka ee maalmihii la soo dhaafay lagu kala iibinayay qeybo ka mid ah Dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaannada Xoolaha Soomaaliya Maxamed Cumar ayaa sheegay in ay dambi tahay in la dhoofiyo Xayawaankaas.

Waxaa uu sheegay in Wasaaradda iyo Dowladda Soomaaliyaba ay la xisaabtamayaan Dadka lagu arko iyaga oo iibinaya ama daabulaya Diidiinka.

Agaasimaha ayaa sheegay in Diidiinku uu Soomaaliya gabaabsi kayahay,sidaas darteedna aan laga ganacsan katin waxaana uu dadka ka ganacsanaya u sheegay in ay ku jiraan faldambiyeed lagula xisaabtamayo.

Waxaa kale oo uu sheegay in dowladda ay baaritaanno dheeraad ah ka sameeyneyso Koontaroollada Magaalooyinka iyo sohdimaha si looga hortago dhoofka Diinka lagu hayo.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalooyinka Soomaaliya ku soo badanayay dadka iibinaya Diinka oo sheegaya in lagu helay lacag badan.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Diinku uu leeyahay qalfoof aysan Xabadda karin sidaas darteedna ay sharikado ajaanib ah qaadanayaan.

Diinka laga helo in uu yahay midka loo baahanyahay ayaa la kala siisanayaa lacag u dhaxeysa 10,000 ilaa $100,000 oo Doollarka Mareykanka ah.

 

HOOS KA DHAGEYSO

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.