Home Afsomali Jawaahir Axmed Cilmi oo ka mid Noqotay Xubnaha Aqalka sare ee dowlada...

Jawaahir Axmed Cilmi oo ka mid Noqotay Xubnaha Aqalka sare ee dowlada la sugayo

jawaahir-axmed-cilmi

Akhriso:Xubnaha Aqalka Sare ee maamulka Galmudug oo la dhamaystiray

Marwo Jawaahir Axmed Cilmi ayaa ka guuleysatay Musharixiintii la tartamayey oo kala ahaa Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo Eng. Xasan Maxamuud Maxamed.

Waana Haweeneydii labaad ee ku guuleystay doorashada kursiga Aqalka sare ee maamulka Galmudug, ka dib markii ay ka adkaatay Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud.

C/waaxid Cilmi Goonjeex iyo Abuukar Axmed Xaashi oo ayaga ka adkaaday masuuliyiintii la tartameysay.

Qeybtii labaad ee doorashada xubnaha aqalka sare ayaa manta ka socota magaalada Cadaado, waxaana kala saaraya xildhibanaada baarlamanka Galmudug.

Jawaahir Axmed Cilmi ayaa codka kaga guuleystay tartankii saaka Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo kursigan loo saadaalinayey, waxaana kursiga ay ku guuleysatay Jawaahir ku tartamay xubno ka soo jeeda beesha Ceyr.

 

Haweeneydii ugu horeysay ee Aqalka sare ku soo baxday ayaa noqotay Zamzam Dahir Maxamuud oo ka mid aheyd shan xubnood oo ku soo baxay doorashadii shalay ka dhacday Cadaado.

Dhinaca kale Kursiga Beesha Mareexaan ee Aqalka sare ayaa waxaa loo doortay C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horey u soo noqday raisul wasaare ku-xigeenka Somalia, isagoo ka guuleystay haweeney iyo nin la tartamayey oo lagu magacaabo Aamina Cali Maxamed iyo Maxamed Samatar Duraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.