Munaasibadaan Xariga looga jarayey Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Somaliyeed oo ka dhacday Dhismaha xarunta ee KM 7 Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo Qeybgalay Wasirka Wasaarada garsoorka iyo cadaalada qeybaha kala duwan ee saraakiisha cidanka asluubta iyo kuwa xooga dalka xildhibaano kooxda baambeyda ciidanka ciyaartoyda hidaha iyo dhaqanka iyo mart sharaf kale
Wasiirka cadaalada iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada waxayna Xariga ka jareen dhismaha xarunta taliska asluubta ee KM &7
fanaaniinta Kooxda onkod ee ayaa Munaasibada ku soo Bandhigay heeso iyo riwaayado ka turjumayey wax qabadka ciidanka Asluubta
Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoga dalka Janaraal Cali caraaye cosoble gacmo duule ayaa sheegay in wada shaqeyn guud ay ka dhaxeyso dhamaan ciidamada qalabka sida oo dhan Ayna garb taagan yihiin ciidanka xoogu ciidamada asluubta somaliyeed
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan oo munaasibada khudbad dheer ka jeediyey ayaa Sheegay in ciidanka asluubtu ay gaareen waajibaad koodii isla markaana sarkaal kasta uu xafiis ku yeelan doono xarunta taliska asluubta wuxuuna xusay in la dhameystiri doono Mariicda kale ee dhimana ciidankundiyaar u yahay in ay dib u dayactir ku sameynayaan.
Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo soo gabagabeeyey munaasibada xariga looga jarayey xarunta taliska asluubta oo 27 sono ka dib .oo dib u dayactir lagu sameeyey Ayaa sheegay in ciidmada kale ay ku daydaan hurumarka ay gaareen ciidanka asluubta Wuxuuna dhamaan ciidamada kula dardaarmay in ay xiriir yeeshaan si loo heli amni iyo kala danbeyn
Wuxuu tacsi u direy askarigii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay afaafka hore ee xabsiga dhaxe ee magaalada muqdisho oo uu sheegay in uu badbaadiyey in ka badan 40 sarkaal oo ka tirsan ciidanka asluubta
Ugu danbeyntiibayaa shahaado sharaf howlkarnimo iyo agab kala duwan oo ay sameeyaan maxaabiista ku jirta xasiga dhaxe ee magaalada muqdisho la gudoonsiiyey shaqsiyaad iyobhey.ado ka qeybqaatay dayactirka dhismaha xarunta asluubta ee KM 7
Sida dhamaan xarumaha lafoole kuleejagada ubaxa kacaanka afgooye iyo xabsiyada burbursan
Waxeyna ugu hambalyeeyey hogaanka asluubta guusha ay gaareen oo uu sheegay in amaantaas ay ka siman yihiin dhamaan talisyada ciidanka qalabka sida oo dhan