Home Afsomali Ciidamada kenya oo bilaabay weerarada ay ku qàadayaan kuwa dowlada soomaaliya wixii...

Ciidamada kenya oo bilaabay weerarada ay ku qàadayaan kuwa dowlada soomaaliya wixii shiiglahow kaca

Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in isku-dhacyo udhaxeeya Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya uu ka dhacay Xadduuda Soomaaliya iyo Kenya ee degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo.

Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in isku-dhaca uu yimid kadib markii Ciidamada Kenya ay weerarayn Ciidamo ka tirsan Kuwa Soomaaliya oo ku sugnaa Gudaha Ceel-waaq ee Soomaaliya, Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay.

Qaar ka mid ah Waxay sheegeyn in Ciidamada Kenya ay weerarayn Dhalinyaro ka mid ah Ciidamada Soomaaliya, balse muddooyinkii dambe noqday Maleeshiyo Beeleed ka goostay Ciidanka xoogga oo meel xadduuda u dhaw saldhig ka dhigtay.

Qaar kale oo ka mid ah Ciidamada Xoogga iyo Saraakiisha gobalka Gedo ayaa xaqiijiyay in saakay xili hore ay Milatariga Kenya weerar ka soo qaadayn Ceel-waaq kenya xili aysan kawar qabin kuwa Soomaaliya.

Iaku dhaca dhaxeeyay Labada Ciidan ayaa ahaa mid la filayey waxaana jiray dhaqdhaqaaq ay xaduuda ku balaarsanayeen ciidanka kenya

Lama oga ilaa khasaaraha ka dhashay, balse waxaa jira Khasaaro soo gaaray Labada dhinac.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.