Qarax miino oo lagu aasay Waddo ku taala xaafadda Xararyaale degmada Wardhiiglay ee gobalka Banaadir ayaa la damacsanaa in lagu qaarajiyo Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Deyniile.
Mas’uuliyiin ka tirsan Laamaha amaanka gobalka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta degmada Deyniile ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay Ifka Xalane ee degmada Wardhiiglay, waxa uuna ahaa Miinada Nuuca dhulka lagu aaso.
Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxa ayaa la doonaayay in la la eegto ciidamada ka tirsan dowladda oo saarnaa gaari, waxaana la sheegay in Miinadda ay qaraxday markii u dhaafay gaariga ay saarnaayeen ciidamada.
Goob Qashin uu yaallay ayaa lagu Aasay Miinadda oo wadada dhinaceeda ah sida ay xaqiijiyeen dadka kunool Warta nabadda.
Sidoo kale Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka badbaaday Taliyaha Saldhigga Degmada Deyniile Macalim Faarax iyo Ciidan la socday, Gaariga Taliyaha ayaa la sheegay in waxyar ka hor uu ka gudbaday goobtaasi, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay jirto dhaawacyo firar ah oo soo gaaray Ciidan la socday Taliyaha.
Ilaa hadda ma jirto wax dhimasho ah oo qaraxaasi ka dhashay balse waxaa dadka deegaanka ay noo sheegeyn in ay jiraan dad ku dhaawacmay Qaraxaasi.
Qaraxa ayaa ahaa Mid xooggan oo inta badan laga maqlay Xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay.