Waxaa Magaalada Dhuusamreeb ee Xarunta Galmudug Laga Mamnuucay Calanka Dowlad Gobaleedyada ay Sameesteen, inta lagu guda Jiro Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Shirka Dhuusamareeb.
Guddiga Farsamada ee Shirka Heshiiska Labada dhinac ayaa isku af gartay In La joojiyo Calamada Dowlad Gobaleedyada, Laakiin la ogol yahay oo Kaliya Calanka Jamhuuriyaha Soomaaliya.
Goobaha Ugu Caansan Magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha ee dhuusamreeb ayaa La suray Calanka Buluuga ah ee Qaranka.
Ujeedka Loo diiday Calamadaan ayaa ah in Madaxweyne Farmaajo uu Booqday Gooba Dhowr ah Laguna Soo dhaweeyay Calamada Maamul Gobaleedyada Laakiin Dhuusamreeb aan Laga Ogalaan Doonin.