Home Afsomali Turkaraq oo marti galisay Dagaal culus oo ay iska horyimaadeen dhalinyaro kala...

Turkaraq oo marti galisay Dagaal culus oo ay iska horyimaadeen dhalinyaro kala sita magacyada Puntland iyo somaliland iyo ciidamo uu wato Cameey oo gaaray goobta

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo kala taabacsan Maamulada puntland iyo Soomaaliland.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xalay Saqdii dhexe  ay duleedka deegaanka Tukaraq gaareen ciidamo uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey kuwaas oo doonayay in ay Gudaha u galaan deegaanka Tukaraq oo ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliland.

Dadka deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka ay labada dhinac isku adeegsanayaan Hubka noocyadiisa kala duwan kaas oo inta badan laga maqlayo deegaanka tukaraq iyo tuulooyinka hoostaga.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagalkaas,waxana la maqlayaa jugta hubka ay isku ridayaan labada dhinac ee Soomaaliland iyo Puntland.

Faah faahinta Warkaan kala socda somalisan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.