Home Afsomali Barnaamij daryeel caafimaad ah oo laga hirgaliyay deegannada ku xeeran Muqdisho oo...

Barnaamij daryeel caafimaad ah oo laga hirgaliyay deegannada ku xeeran Muqdisho oo ay ku suganyihiin barakacayaasha ( DAAWO SAWIRADA )

barakacayaasha  Dhallinyarada iskood isu xilqaamay ee Mutadawaciinta Soomaaliyeed (Somali youth Volunteers for

Development Association) ayaa hirgaliyay mashruuc caafimaad oo loogu magac daray Baxnaani.

Mashruucaan ayaa billowday horraantii bisha Janaayo ee sanadkan 2018 iyadoo laga fulinayo goobaha

ay ku suganyihiin barakacayaasha kuwaasoo u badan haween, carruur iyo waayeel.

Ayadoo ay jirto baahi ay u qabaan barakacayaasha dareyeel caafimaad oo baaxad leh ayey

dhallinyaradan hirgaliyeen qorshe caafimaad oo lagu daryeelo dadka tabaaleysan ee ku nool xerayaha

barakacayaasha Muqdisho.

“Mashruuca Baxnaani waa mashruuc ka dhashay baahi caafimaad oo ka jirta deegaannada

barakacayaasha Muqdisho. Mashruucaan waxaan uga gol leenahay in uu qeyb ka noqdo dadaallada lagu

yareynayo khatarta caafimaad oo soo foodsaari karta hooyada, dhallaanka iyo waayeelka taagta daran”

Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay mudane Cabbaas Ciise Faracadde oo ah guddoomiye ku xigeenka

midowga SOYVDA.

Kumanaan barakacayaal ah ayaa ku nool gudaha iyo duleedka mgalaada Muqdisho kuwaasoo aan

heysanin daryeel caafimaad oo ku filin.

Cabbaas Ciise ayaa sidoo kale yiri “Mashruucaan wajigiisa koowaad ayaa socon doono muddo dhan lix

bilood iyada oo maalintiiba looga faa’iideyn doono in ka badan 100 qof kuwaasoo oo ka imaanaya

xarumaha barakacayaasha Muqdsho”

Midowga dhallinyarada mutadawaciinta Soomaaliyeed ee SOYVDA ayaa muddooyinkaan waxa ay

fulinayeen mashaariic dhowr ah kuwaasoo lagu daryeelayo dadka ku nool xarumaha barakacayaasha Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.