Home Afsomali Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Tacsi u diray qoyskii Taliyihii...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Tacsi u diray qoyskii Taliyihii qaybta taraafikada ee Togdheer Dhamme Cabdilaahi Maxamed Faarax (Soofadhiiste) oo Burco gaari xamuul ah lagu jiirsiiyey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada qaranka Somaliland, gaar ahaan Ciidanka Booliska, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Dhamme Cabdilaahi Maxamed Faarax (Soofadhiiste) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 31/01/2018, magaalada Burco ee gobolka Togdheer, tacsi taa la mid ahna waxa uu madaxweynuhu u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay.

Marxuumka oo ahaa taliyaha qaybta taraafikada ee Togdheer ayaa ku geeriyooday shil gaadhi wakhti uu ku guda-jiray  waajibaadkiisa shaqo, gacantana ku hayey shil ka dhacay agagaarka cigaal Hotel ee magaalada Burco saacadihii danbe ee xalay, waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey taliye hawlkar ah oo ka baxay qaranka iyo ciidamada booliska Somaliland, ahaana taliye ku dayasho mudan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, Ciidamada qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

taliyaha waxaa u u dhintay ka dib markii darwal waday gaari weyn uu jiirsiiyey lamana oga in uu kas ahaa iyo in uu  kama ahaa hase yeeshee Boliska burco ayaan gacanta ku dhiga

 

AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

Previous articleBarnaamij daryeel caafimaad ah oo laga hirgaliyay deegannada ku xeeran Muqdisho oo ay ku suganyihiin barakacayaasha ( DAAWO SAWIRADA )
Next articleR/W ku xigeenka oo Shir gudoomiyay kulan ku Saabsan Mashriicda Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliya ( DAAWO SAWIRADA )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.