Home Afsomali Shir lagu wado in ay Dhawaan Muqdisho ku Yeeashaan ...

Shir lagu wado in ay Dhawaan Muqdisho ku Yeeashaan Madaxda dowlad goboleedyada dalka ee qaarkod xukunkoodu wada gaarin gobolada ay sheeganayaan in ay ka taliyaan

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa dhawaan uu shir uga furmo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka kaa oo looga wada hadli doono arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa la sheegay in labada dhinac ku falanqeyn doonaan arrimo ay ka mid yihiin dhaqan gelinta dhismaha ciidamada qaran, wadaaga kheyraadka, dib u eegista dastuurka, hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod ee la rejeynayo in dalka ka dhacdo sanadka 2020.

Ilaa iyo maanta ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa sida Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho, halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu ku sugnaa Muqdisho.

Dad badan ayaa isla dhex maraya shirkan iyo waxa uu kaga duwanaan karo shirarkii hore, waxaana is weydiinta ugu badan ay tahay wajiga cusub ee shirkan lagu arki doono oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Hase ahaatee waxaa isha lagu hayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow inuu shirkan ka qeyb geli doono iyo in kale, maadaama qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay shirkii u dambeeyay shaki geliyeen mataalada shirka ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada ayaa la xusuustaa in shirkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho inay is hor-taageen inuu ka qeyb galo Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir oo aan matalaad siyaasadeed ku laheyn Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa tan iyo sanadkii hore ka soo muuqatay shirarkii qaran ee looga hadlayay aayaha siyaasadeed, hase ahaatee taas ma aanay suura gelin in lagu helo mataaladeedii siyaasadeed iyo maqaamkii Caasimadda Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa dareensan inay gaabis tahay howsha dastuurka iyo Doorashada 2020-ka, waxaana shirka warbixin la xiriirta hanaanka doorashada qof iyo cod uga dhici karto ka jeedin doona Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan.

Qodobadii kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ayaan wax badan ka hirgelin, inkastoo ay degtay xiisadii ka dhex taagneyd maamullada iyo dowladda Federalka.

Shirkii ugu dambeeyay ee dhex maray Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa dhacay bishii November ee sanadkii hore.

Waxwalbo wey qaadaa iyada oo aanan jirin wax ay dhaafeyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.