Ciidanka badda iyo difaaca xeebaha ee xoogga dalka soomaaliyeed, ayaa la aas-aasay 10-kii bishii february sanadkii 1965-ki, waxaana munaasabad lagu xusayey 53aad guuradii ka soo wareegtay maalintaas oo muqdisho lagu qabtay ka soo qeyb galay wasiirka gaashaandhiga taliyayaasha qebaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida .safirka dalka talyaaniga iyo marti sharaf kale
Admiraal guud faarax cumar axmed faarax qare oo hada ah madaxa hey,adda cilmi baarista iyo badaha somaliyeed oo munaasibada khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey ayaa ciidanka bada kula dardaarmay in ay sii xooojiyaan difaaca iyo ilaalinta badaha iyo xeebaha soomaliyeed wuxuuna hambalyo u direy ciidanka bada somaliyeed
Taliyaha ciidanka bada maday nuurow ufurow ayaa sheegay in burburka dalka ku dhacay dartii ay ku baaqato aduun lacageed oo gaaraya 75o malyuun oo doolar wuxuna sidoo kale carabka ku dhuftay tirada maraakiibta ee isticmasha biyaha dalka
Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, sarreeye gaas cabdiwali jaamac gorod ayaa u hambalyeyey ciidanka badda iyo difaaca xeebaha ee xoogga dalka soomaaliyeed oo maalinta u dabaal degaya sanadguurada 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi
Ugu danbeyntii wasiirka gaashaandhiga somaliya maxamed mursal shekh cabdiraxmaan oo munaasiabda soo afmeerey ayaa bulshada somaliyeed iyo dhamaan ciidanka qalabka sida ku booriyey in ay isku tashadaan isla markaana u hormariyaan dalka iyo dadkaba