Home Afsomali VIDEO Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo La-taliyaha arrimaha Ciidanka Xoogga ee Madaxweynaha...

VIDEO Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo La-taliyaha arrimaha Ciidanka Xoogga ee Madaxweynaha oo Hambalyo u diray ciidanka Badda

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod  ayaa hambalyo u diray Ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha dalka oo barri u dabaal degaya Munaasabadda sanad guuradii 53-aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidankaasi oo ku beegan maalinta barri ah.

Sidoo kale La-taliyaha arrimaha Ciidanka xoogga dalka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir goobe), ayaa isna hambalyo u diray Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo barri u dabaal degaya Sanadguuraddii 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi 10-February sanadkii 1965-kii.

“Sanadguurada 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan Maalinta barri ah owgeed, waxaan Hambalyo leeyahay Admiraallada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri S/guud Bashiir

La-taliyaha arrimaha Ciidanka xoogga dalka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Soomaaliya maanta baahi weyn ay u qabto dib udhiska Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay inay soo noqon doonto Kaalinta iyo Maqaamka Ciidankaasi.

“Xaalku waa inoo haggaagi doonaa, waadna kusoo noqon doontaan Kaalintiinnii iyo Maqaamkiinnii Shariirka ahaa ee Difaaca Dalka Hooyo! Waqti maanta Soomaaliya idinka baahi badan tahay nama soo marin, Kaalintiinnina waan u hamuun qabnaa! Sanadkaan kan xigga waxaa idin rajeynayaa in horumar weyn aad sameysaan, Guuleysta” ayuu mar kale yiri S/guud Bashiir Goobe

10-kii bishii February sanadkii 1965-kii ayaa si rasmi ah  loo aas-aasay Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.