Home Afsomali VIDEO Agaasimaha guud ee wasaarada Ganacsiga oo jawaab celin diidmo ah ka...

VIDEO Agaasimaha guud ee wasaarada Ganacsiga oo jawaab celin diidmo ah ka soo saaray wareegto dhawaan ka soo baxday wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo sheegeysay in shaqo joojin la duldhigay

Agaasimaha guud ee wasaarada Ganacsiga oo jawaab celin diidmo ah ka soo saaray wareegto dhawaan ka soo baxday wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo sheegeysay in shaqo joojin la duldhigay

Agaasimihii Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumada Somalia ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu kaga jawaabayo wareegto xilkaoga qaaday oo ka soo baxday Wasiirka wasaaradaas Maxamed C/llaahi Xayir (Maareeye)

 

Agaasimaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in wasiirka uu shaqo joojin ku sameyn karo isaga balse uusan awood sharci ah u laheyn inuu xilka ka qaado, wuxuuna intaas ku daray in markii hore xilka loogu magacaabay Wareegto Madaxweyne oo ay ansixiyeen golaha Wasiirada, haddii xilka laga qaadayana ay tahay in wadadaas loo maro.

Jawaab Celin ka soo baxday agaasimaha guud ee wasarada ganacsiga xukumada Somalia mudane cabdullahi xayir ducaale oo dhawaan wasiirka wasarada ganacsiga iyo warshadaha xukumada Somalia  uu kusameeyay shaqa fariisan ayaa waxa uu sheegay inuu yahay agaasimaha sharciga ah waxayna u qorneed jawaab  celinta sidan

Ku.wasiirka wasarada ganacsiga iyo warshadah        Muq

Ku.wasarada shaqada iyo arimaha bulshada              Muq

Ku.gudiga shaqaalaha rayidka ee dowlada                Muq

Og.wasiirku xigeenka wasarada                                     Muq

Og.wasiiru dowlaha wasarada                                        Muq

Og.hanti dhowraha qaranka                                         Muq

Og,gudiga dhaqalaha ganacsiga iyo warshadaha ee barlamanka  muq

Og.xafiiska ra iisul wasaraha xfs                                     Muq

Og.xafiiska madaxweynaha                                            Muq

Ujeedo jawaab celin ku aadan xil qaadis

Tixraac warqadda summadeedu tahay summad wgw/ xw 14/,2018

Kuna tariikheysan 10.2.2018 kana soobaxday xafiiska wasiirka ganacsiga iyo warashada nuxurkeeduna ahaa shaqa ka joojin iyo xilkaqadis

Mudane wasiir waan aqbalay shaqo ka joojinta aad ii soo jeedisay waana awoodaha wasiirka

Dhan kakale xilkaqadista agaasimaha guud ee aad ii soo gudbisay ka ma mid aha awoodaha Wasiir

Waxaan ahay agaasimaha guud oo heysta ansixinta golaha wasiiirada ee kutariiqeysan 11.02.2018

Islamarkaana helay digreeto madaxweyne oo kutariqeysan 08/07/2018 sidaa darteed waxaa xilka sirasmi ah igaga qaadi kara madaxda sare ee dowlada madaxweynaha ama raiisul wasaaraha

Sida kucad dastuurka dalka markuu dhamado habraca xilka qaadista si sharci ah waxaana diyaar in xilka aan kuwareejiyo sifa sharci ah inta kahoreysana waxaan ahay agaasimah guud ee wasarada

Mudane wasiir anigoo xushmad kuu haya waxaad hareer martay sharciga shaqalaha rayidka ee qaranka (sharciga no11) qodabadiisa 45aad iyo 46aad sidookale waxaad tixgilin wayday  dastuurkumeel gaarka ah qodobka 115aad iyo 116aad oo kahadlaya wajibaadka iyo ilaalinta xaquuqda shaqaalaha rayidka  ee dowlada

Mudane Wasiir waxaan kula socodsiinaya waxaan lasoo shaqeeyay 10 wasiir wasiirdowle iyo wasiir kuxigeen oo kaa horeeyay oo ilaa hada qaar shaqeynaya mana aanan sheegin waxyaabah aad ku sheegtay warqadada ee edeymaha waana markii ugu horeysay mudo 9 sano oo aan kashaqeynaayay oo khilafkedu baanka usoo baxo adigo oo nalashaqeynaya bil iyo lawa maalin

Wax qabadkii ugu muhiimsana waxaa kamid ahaa dhismaha wasarada maanta aan kushaqeyneeno inag iyo wasarada kale iyo sameynta sharciyadda lagu shaqeeyo hada

Mudane wasiir waxaad ii soo jeedisay eedeymo dhamaantood aanay waxba kajirin madaama ay jirto sameynta shardciga waxaa lagaaga fadhiyaa caddeymo ku qotomo (hanti dhowr iyo garsoor)

Sida marar badan soo laablaabatay oo ah awood sheegashada agaasimayaasha ay ku sameeyen wasiirasdoodu waxaan kacodsanayaa madaxweyna iyo ra iisulwasaraha in ay arintaan soo faragiliyaan si ay xal ugu noqoto khilaafad danbe dowlada madxweyna farmaajo iyo xukumada ra iisul wasaare kheyre ee nabad iyo nolol waxay ku baqeen hirgilint sareynta sharciga

Dhamaan hay adaha ay warqadan ku socoto iyo kuwa ay ogeysiinta ku tahayba waxaan lacodsanayaa in ay arintan sida ugu dhaqsiha badan u soo faragiliyaan madaama aan ahay masuul dowladed oo sharaftiisa dastuuriga meel looga dhacay iyadoo loo adegsanaya awood dowladed oo xil ah

 

 

 

 

.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.